Xulka kubada cagta K/galbeed ayaa guul soo laabasho ah ka gaaray Ciyaartooyda Jubaland oo guuladaradii labaad

5- January-2024 ” Xulka kubada cagta Koonfurgalbeed ayaa guul soo laabasho ah ka gaaray Ciyaartooyda Jubaland oo guuladaradii labaad kala kulmay tartanka koobka maamulgoboleedyada dalka iyo gobolka banaadir 🙏

▪︎Jubbaland ayaa noqotay kooxdii koowaad ee hesha laba guuldarro oo xiriir ah tan iyo bilaabashada tartanka. Sidoo kale my team Maroodiyaasha ayaa kulankii labaad oo xiriir ah lagu sameeyay soo laabasho waali ah.

▪︎Dhanka Koofur-Galbeed, waxey heleen dhibcihii ugu horreeyay tartanka, kadib markii Remontada wayn ay galabta ku sameeyayn dhigooda Jubbaland.

▪︎Macalinka Jubbaland ayaa wali wax xal ah u helin ciladihiisa, galabtii labaad oo xiriir ah waxaa lagu dilay isla xeeshii loo kaga adkaaday kulankii Galmudug. Qaybta hore ee ciyaarta, ciyaartoyda Jubbaland waxay gaareen goosha dabcan labadii kulan ba, balse Qaybta labaad inaad xafidato guusha waa waajib si gaar ah u saaran Macalinka.

▪︎Mar kale aan ku celsho, Mid ka mid ah qaacidooyinka ciyaarta ayaa tiraahda “Haafka hore waxaa ciyaara ciyaartoyda, halka qaybta labaad ay ciyaaraan macalimiinta”. Macalinka Jubbaland “C.qaadir C.laahi” ayaa guuldaradii koowaad ee Galmudug waxa la dhadhan siisay ciyaarta oo ka dhimantahay kaliya sadex daqiiqo waqtiga rasmiga ah, halka mar kale galabta Koofur-Galbeed ay ka dhaliyeen goolka guusha dhamaadka kulanka oo ka dhiman laba daqiiqo uun.

KOOX-WAYN WAXAY U BAAHAN TAHAY MACALIN WAYN.

▪︎Horayna waa u sheekay, Macalinka kooxda Jubbaland maaha tababare “guuleed”, Waa Tababare iska caadifi ah oo aad u qiiro badan, maxaad ka filaysaa tababare goolasha ay u dhaliyeen ciyaartoydiisa aan difaacan garin?.

▪︎Waa tababare xeelad ahaan aad u liita oo aan ciyaarta wax ka bedeli karin. Shax isku mid ah galab-gashoow. Mar walba waxaa loo kaga adkaanayaa hab isku mid ah. sidoo ka壯陽藥 le hanaanka uu u ciyaaro ayaa soo bandhigaya qofka uu yahay.

▪︎Aniga ahaan waxaa aamin sanahay, “Koox weyn in ay u baahan tahay tababare weyn” !.