DHUUSAMAREEB
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyadda Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka dhexmaray labada dhinac uu ka koobnaa salaan iyo is arag gogol xaar ah u ah wadahadalada qorsheysan ee lagu xalinayo khilaafka mudada soo jiitamayey ee dowladda Federaalka iyo Jubbaland

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa bilowgiisa hore waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaarada Xukuumadda Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, iyadoo markii dambe ay isku keli noqdeen Farmaajo iyo Axmed Madoobe.
Ma jiro wax sawirro ah oo laga helay kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe, hayeeshee waxaa la sheegayaa in dhanka Jubbaland dalbadeen in aan wax muuqaal ama sawirro laga baahin kulankan, maadaama uu yahay mid hordhac ah.