Jubbaland oo shaacisay inay soo gabagabeesay doorashadii 16 kursi ahayd ee lagu qabtay Ceelwaaq

23″ April “2022

Waxaa degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo lagu soo gabagabeeyay doorashada 16 kursi oo laga soo wareejiyay Magaalo madaxda Gobolkaas ee Garbahaarey, iyadoo maanta la doortay shanti kursi ee ugu dambeesay ee Golaha Shacabka ah.

Guddiga maamulka doorashada Jubbaland kursigii ugu horreeyay ay qabtaan doorashadiisa maanta wuuxuu ahaa kursiga HOP#122, waxaana ku tartamayay Mursal Maxamed Khaliif oo ah Wasiirka Qorsheynta Jubbland iyo Cumar Muxumed Buulle, balse waxaa ku guuleystay Mursal Maxamed Khaliif.

Kursiga labaad ee doorashadiisa lagu qabtay degmada Ceelwaaq wuxuu ahaa Kursiga HOP#110, waxaana doorashadiisa ku guuleystay Maxamed Muxumed Maxamed, kadib markii uu tartanka kaga adkaaday musharixii kale ee Khadar Axmed Aadan.

Sidoo kale, Kursiga saddexaad oo ahaa HOP#131, waxaa ku wada tartamay Axmed Cismaan Ibraahim & Aadan Gaarane Cabdullaahi, balse waxaa ku guuleystay Axmed Cismaan Ibraahim, sida Guddiga ay natiijada kuraasigaas ugu dhawaaqeyn.

Kursiga afaraad ee HOP#123, waxaa ku wada tartamayay Haweenka kala ah Faadumo Faarax Aadan & Sacdiyo Cabdullaahi Shire, iyadoo ay ku guuleysatay doorashadiisa Faadumo Faarax Aadan.

Kursiga ugu dambeeyay ee lagu qabtay doorashadiisa degmada Ceelwaaq wuxuu noqday kursiga HOP#125, waxaana ku guuleystay Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Ducaale, sida uu shaaciyay Guddiga doorashad