20″ December “2020 KISMAAYO”
War-saxaafadeed ka soo baxay dowlad goboleedka Jubbaland ayaa looga hadlay xaaladda cakiran ee gobolka Gedo, waxayna Jubbaland sheegatay inay diyaar u tahay inay is-difaacdo Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha NISA.

Jubbaland waxay qoraalkan eedeymo culus ugu jeedisay Farmaajo iyo Fahad oo ay sheegtay inay magaca dowladda federaalka ugu awood sheeganayaan.
War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri, “Dowlad Goboleedka Jubbaland waxay aad uga xuntahay xaaladda murugsan ee muddada dheer ka jirtay gobolka Gedo, taasoo cadeyneysa in Madaxweynaha Soomaaliya iyo hay’adda Nabad sugidda oo isticmaalaya magaca Qaranka Soomaaliyeed iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed in ay colaad kaga abuureen gobolka Gedo ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, arrintaas oo muddo sanad ah taagneyd.”
Sidoo kale Jubbaland waxay nasiib darro ku tilmaantay hub iyo ciidan ay sheegtay in maalmihii la soo dhaafay ay dowladda federaalku ku daabushay gobolka Gedo.
“Dowlad Goboleedka Jubbaland iyadoo xeerineysaa Qaranimda iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, mas’uulna ka ah amniga gudaha deegaanada Dowlad Goboleedka Jubbaland, waxay ummadda Soomaaliyeed u caddaynaysaa in cidkasta oo khal-khal iyo deganaansho la’aan ka abuureysa deegaanadda Dowlad Goboleed-ka Jubaland si mideysan ay isaga difaaceyso iyadoo kaashaneysa shacabkeeda,” ayaa lagu yiri warkan ka soo baxay jubaland.


