Juventus” Ayaan Ka Soo Horjeedin In Cristiano Ronaldo” Ay Ku Badalato Xiddiga Man Utd Paul Pogba

11,December “2020” https://www.mirror.co.uk/

Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso heshiis isdhaafsi ah oo u arki doona Paul Pogba inuu ku laabto Turin isla markaana Cristiano Ronaldo uu ku biiro Manchester United.

Pogba, oo 27 jir ah, ayaa qarka u saaran inuu ka tago Old Trafford ka dib markii wakiilkiisa, Mino Raiola, uu sheegay in ciyaaryahanka khadka dhexe “uu u baahan yahay koox cusub” islamarkaana uusan “ku faraxsaneyn” United horaantii Toddobaadkan.

Inkastoo Real Madrid ay si aad ah loola xiriirinayo ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka France, Raiola ayaa u muuqday inuu si maldahan u sheegay in Juventus ay hogaamineyso loolanka loogu jiro saxiixa macmiilkiisa.

Pogba ayaa ku riyaaqay afar xilli ciyaareed oo qurux badan oo uu la qaatay Juve ka hor inta uusan 89 milyan ginni ugu wareegin Red Devils sannadii 2016, isagoo dhaliyay 34 gool, waxaana uu kula guuleystay Old Lady lix abaalmarin oo waaweyn.

Juventus ayaa weli isha ku heysa laacibkeedii hore mana “ka soo horjeedin” heshiis is dhaafsiga taasoo u saamaxeysa in xiddigga reer Portugal ee Ronaldo uu u dhaqaaqo dhanka kale, sida laga soo xigtay The Independent.

Warbixinta ayaa intaas ku dareysa in Juve ay ka caga jiideyso inay kala tagto Ronaldo, oo 35 jir ah, si ay ugu fasaxdo lacagaha dib loogu dhisayo kooxda Andrea Pirlo.

Laacibka shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or waxaa heysata 18 bilood oo ka harsan qandaraaskiisa Turin, taasoo ka dhigeysa inuu gurigiisa u qaato 540,000 ginni isbuucii” Pogba ayaa laga yaabaa inuu dib ula midoobo saaxiibkiisii ​​hore Pirlo, oo hadda ah maamulaha Juve.

Pogba may reunite with former teammate Pirlo, now manager of Juve

Dhanka kale, United ayaa sidoo kale u furan heshiiska isdhaafsiga iyadoo gudoomiye ku xigeenka fulinta Ed Woodward uu sii wado inuu isha ku hayo xiddigii hore ee kooxda.

Inkasta oo uu Pogba ku hungoobay Red Devils xilli ciyaareedkan, hadana Ronaldo ayaa qaab ciyaareed wanaagsan soo bandhigay wuxuuna dhaliyay 12 gool 10 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Weeraryahanku wuxuu ku guuleystey horyaalo is xig xiga oo Serie A ah tan iyo markii uu ku soo biirey Juventus 2018 wuxuuna dhaliyey labo gool iyadoo kooxdu xaqiijisatay kaalinta koowaad ee Champions League Group G ka dib guushii 3-0 ee ay ka gaareen Barcelona Talaadadii.

REAL STATE BURUUJ CONSTRUCTION COMPANY

Leave a Reply