18″ April “2023
Doha ayaa ka hadashay ka shaqaynta soo celinta Xiriiro Dublamaasiyadeed oo bareer ah ooy ku jirto Qatar iyo UAE Iyadoo ku soo beegmaysa bil ka dib markii Wadamada sida weyn u xifaaltama ee Iran iyo Sacuudi Carabiya ay si buuxda u soo celiyeen xiriirkooda
Qatar iyo Imaaraadka Carabta ayaa dib u soo celin doona xiriirkooda diblomaasiyadeed, waxayna dib u furi doonaan safaaradahooda dhowaan, in ka badan labo sano tan iyo markii Imaaraadka, Sacuudiga, Baxreyn iyo Masar ay go’doominta ka qaadeen Qatar, Talabadan ayaa soo afjaraysa khilaafkii xaga diblomaasiyadeed ee soo bilowday 2017-
Xafiiska Warbaahinta Caalamiga ah ee Qatar ayaa Aljazeera soo gaarsiiyay war qoraal ah oo ay soo saartay dowlada Qatar oo lagu yiri “Waxaa socda shaqo u dhaxaysa kooxaha Qatar iyo Imaaraatka si dib loogu furo safaaradaha ay kala leeyihiin sida ugu dhaqsaha badan, taariikhda saxda ah ee lagu dhawaaqi doono marka la soo gabagabeeyo hawsha.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa Talaadadii ka soo xigatay sarkaal ka tirsan Imaaraatka Carabta in “dhaqdhaqaaqa xiriirka diblumaasiyadeed oo ay ka mid tahay dib u furista saf犀利士 aaradaha uu socdo”, halka sarkaal ka tirsan Khaliijka oo aan magaciisa la shaacin uu u sheegay wakaalada in bartamaha bisha June la filayo safaaradaha in dib loo furo.
Sacuudi Carabiya iyo Masar ayaa noqday dalalkii ugu horreeyay ee qaada go’doominta oo dib u soo magacaabay safiirrada Qatar sanadka 2021, iyadoo Imaaraadku uusan weli qaadin tallaabadaas. Baxrayn ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday in ay dib u soo celinayso xiriirkii diblomaasiyadeed.
Mas’uulkan ka tirsan Khaliijka ayaa la sheegay in madaxda Qatar iyo Imaaraadku ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo xiriirkii diblumaasiyadeed dabayaaqadii bishii hore, isla markaana Abu Dhabi ay Doxa ku wargelisay cidda uu noqonayo ergaygeeda, balse Qatar weli ma aysan sameynin.
Xiriirka Qatar iyo Imaaraadka ayaa soo hagaagayay tan iyo bishii February ee sanadkii hore, markii Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, uu la kulmay dhaxal sugaha Imaaraadka, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, oo ay barbar socdeen dhacdo ka dhacday magaalada Beijing markii ugu horeysay tan iyo markii go’doomintii la saaray uu dhamaaday.
Dhammaan dalalka xayiraadda saaray ayaa dib u soo celiyay xiriirkii ganacsiga iyo socdaalka ee Qatar horraantii 2021-ka, balse, xilligaas, Imaaraadka ayaa soo jeediyay in dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed uu qaadan doono waqti dheer.
Dib u soo celinta xiriirka ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay socdaan dhaqdhaqaaqyo diblumaasiyadeed oo ka socda guud ahaan gobolka iyada oo kuwii hore ee iska soo horjeeda ay ku guda jiraan wadahadal iyo hagaajinta xiriirka.
Wadamada sida weyn u xifaaltama ee Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa bishii hore ku heshiiyay in si buuxda loo soo celiyo xiriirkii diblumaasiyadeed ee go’ay sanadkii 2016 laba bilood gudahood, heshiiskaas oo uu dhexdhexaadin ka ahaa Shiinaha. Wasiiradooda arrimaha dibadda ayaa horaantii bishan ku kulmay magaalada Beijing.