Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
29- Feb-2024 Barcelona”
Kaalinta ay shirkadaha isgaarsiintu ka qaadan karaan samata-bixinta dadka ay saameeyeen musiibooyinka ayaa looga hadlay kulan ay Masuuliyiin ka socda Hormuud Telecom uga qeybgaleen magaalada Barcelona.🙏
Kulankan oo qeyb ka ah shirweynaha Mobile World Congress (MWC24) ee dalka Spain ayaa waxaa shir-guddoominayay Ururka Isgaarsiinta Moobeellada Adduunka ee GSMA iyo Midowga Isgaarsiinta Caalamka ee ITU waxaana ka soo qeybgalay dowlado, hay’ado ka shaqeeya gargaarka iyo horumarinta sida World bank, UNHCR, UNDP, USAID, iyo shirkado isgaarsiineed oo ay ka mid tahay #HormuudTelecom.
Madaxa Guud ee Suuqgeynta Shirkadda Hormuud Axmed Aadan Cabdiraxmaan ayaa madasha uga warbixiyay kaalinta ay shirkaddu xilliyada musiibooyinka ka qaadato wacyigelinta bulshada, fududeynta gurmadka, iyo in deeqo la gaarsiiyo dadka ay musiibooyinku barakiciyeen sida abaaraha iyo fatahaadaha.
Maaalada Barcelona ee Dalka Spain ayaa lagu soo gunaanaday shirweynaha sannadlaha ee Mobile World Congress (MWC24) oo ay martigeliyay shirkadaha hoggaamiya isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda caalamka.
Masuuliyiin ka socdo Shirkadda Hormuud Telecom ooka qeybgalay shirka ayaa madasha kula kulmay madaxda shirkadaha Microsoft, Oracle, Google Cloud, Cradlepoint, Baicells, Whale Cloud, Intelsat, SES, Eastcom Peace, Ulak, Rakuten, Unifun, ZTT, Workz, Telcovas, Acquired by Ericsson, iyo SK Telecom.
Kulamadaan ayaa qeyb ka ah iskaashiga aan la sameynayno shirkadaha jiheeya isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda dunida, iyo dadaallada aan ugu jirno horumarinta iyo casriyeynta isgaarsiinta Dalka, si ay dadkeenna iyo dalkeennu ula jaanqaadaan caalamka.