Kaalmo Guri & Kaalmo Cunto keed caawin lahayd ?

6″ June”2022″ Dheeho Webmaster

壯陽藥 m-font” style=”font-family:Anton;font-size:23px”>Hadal,haynta todobaadkan qabsaday baraha bulshada ayaa noqday Kaalmo guri & Kaalmo Cunto hadaba keed caawin lahayd waa halkudhuga qormada tifatiraha

Fall,celinta yabooh guri oo loo dhiso madaxweynihii hore maxamed cabdulaahi farmaajo oo bishii hore laga saaray Villa Somalia markii doorasho uu caqabad k ahaa looga adkaaday ayaa noqtay talaabo carqaladeeyneeysa gar,gaar gaarsiinta dadka ay la soo daristay masiibada abaarta laga dayriyay ee ku dhuftay

Arrintan ayaa sababtay abaartii ugu darneyd ee muddo 40 sano ah ka dhacda Soomaaliya iyo dhibaato weyn oo dhanka gaajada ah. Isla mar ahaantaana, qiimaha cuntada adduunku waxa uu ku dhow yahay in uu gaadho heerkii ugu sarreeyay iyada oo dagaalka Ruushka iyo Yukreeniyaanku uu suuqayada miraha daruuriga ah iyo saliidda la cuno.

Ku dhawaad ​​213,000 oo Soomaali ah ayaa qarka u saaran inay u dhintaan macluul, taasoo ka dhigan in saddex laab ay kor u kacday heerarkii la filayey bisha April, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP, Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee FAO, Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF). iyo Xafiiska Isku-dubbaridka Hawlaha Bani’aadamnimada (OCHA).

Hay’adaha ayaa sheegay in ilaa 7.1 milyan oo Soomaali ah ama in ku dhow kala bar dadka ay soo food saartay cunto yari aad u daran, taasoo la macno ah inay si dhib yar u heli doonaan kalooriyada ugu yar ee ay u baahan yihiin lagana yaabo inay iibiyaan hantida si ay u noolaadaan.

In ka badan 200,000 oo qof ayaa wajahaya macluul Soomaaliya ka dib markii roobabkii di’i waayeen: Qaramada Midoobay, iyadoo farmaajo uu dalbanayo guri loo dhiso

Dad badan ayaa aaminsan in farmaajo uu dalka ka dhacay hanti malaayiin dollar ah oo uu rabo in uu sidan ku xalaaleeysto iyo in been tahay lacagah dadku soo dirayaan sida ku cad qoraalka Madaxweynihii hore ee hirshabeele Maxamed Candi Waare uu soo dhigabartiisa Twitter ka

Abwaan cisman cabdulahi guure ayaa soo dhigay bartiisa dhawr xaraf oo uu ku soon koobay arintan Isaga oo yiri “
Lacagta Dir ,Ha Soo Diree Dambi Miyaa Ku Daahirmaa ?

Wasiir Hore oo Galmudug Axmed Macalin Fiqi Ayaa soo dhigah bartiisa Facebook

Iyadoo dalka ay ku habsatay abaaro ba’an oo qiyaastii 6 malyan oo qof la’yihiin asaasiyaadkii nolosha, madaxweynaha qarankuna uu wado dadaalo gurmad loogu raadinayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan, mashruuca Marin habaabinta iyo arxan la’aanta isugu jira ee lagu garab furay dadaaladaas waxba kama duwana argagixisada dadka aan waxba galabsan xasuuqda oo hadalkooda ku bilowda “alxamdulillaah”.

Waxaan hey’adaha Dawladda ee ku shaqada leh u soo jeedinaynaa in ay ka hortagaan ”ololaha marin-habaabinta ee lagu dhisayo guriga dhibka قصر الضرار” cidda akoonadu magaceeda ku qoran yihiinna sharciga la horkeeno, waayo waxay umaddu la socotaa in ninka magaciisa lagu aruurinayo lacagtaas uu deggan yahay hadda guri ku kiraysan $30 kun.

Dawladda waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay in maalka umadda laga ilaaliyo koox kasta oo maafiya ah oo si xeeladaysan iyo si xoog ahba ku furnaysa jeebabka umadda !.!

Barnaamijka aadka loo dhageeysto ee kalmaan ayaa iftiimiyay sheekada lacagta uu farmaajo ka at furtay dhaqaalihii dadka abaarta hayso Halkan hoose ka dheeho

Leave a Reply