30″ January “2023
War-saxaafadeed: Jabhada SSC Oo Sheegtay Inay Dagaal Kaga Saarayaan Ciidanka SLAND Laascaanood
Kacaanka Buluuga ah iyo Kulanka Laascaanood
ka qaybgalayaasha Shirkada SSC ayaa isla gartay dib u habeeyn lagu sameeyo maamulka khaatumo oo hogaan kumeelgaar ah loo dhibay kaas oo loo wakiishay arimaha siyaasada iyo dib u xoreeynta gobolada SSC
Shirka Laascaanood – Fursad Soomaali Soo Martay
Shirka Laascaanood waa fursad iyo khatar isku dhafan. Waxtarka shirkuna waxay ku xiran tahay baaqa, hadba, ka soo baxa baaxaddiisa iyo tognaantiisa. Waxaan jeclaan lahaa inuu noqdo baaq saameeya shacabka Soomaaliya oodhan (Koonfur iyo Waqooyi ba). Tusaale ahaan ku baaqaya:
– Waarinta, IIaah baa waaree, midowgii Waqooyi iyo Koonfur ee 1da Luuliyo 1960 (Somali Republic).
– In xukuumadda Hargeysa ka noqoto mowqifka gooni goosiga. Waa furaha 1aad ee murugga ka taagan nidaamka siyaasadeed ee dalku qaadanayo (Waqooyi iyo Koonfur ba).
– In Hargeysa iyo Laascaanood dhakhso u wada meel-mariyaan heshiiskii SL iyo Khaatumo ee Cali Khaliif Galleyr (AUN) iyo m/weyne Siilaanyo wada saxeexeen sannadkii 2016, baarlamanka SL laga ansixiyey; iyadoo la socosho iyo kor-joogto ba ay ka yihiin wakiilo ka socda DFS iyo UNISOM.
– In dabeetana dalku ku midoobo nidaam federal/confederation oo ka kooban Waqooyi iyo Koonfur (1da Luuliyo 1960); Isla markaana leh maamul daadejin hoose (devolution) oo maamul-goboledyada ah.
Waa qodobo u noqon kara dhinac kasta guul (Koonfur iyo Waqooyi ba).
Aayhii Soomaaliya oodhami wuxu maanta ku jiraa gacanta shirka Laascaanood ka socda. Warsan iyo weedhsan baa ka soo yeeri, Insha Allahu. Ha loo duceeyo shirka.