Kala jiid-jadashadii Somalia ee dalalka Qatar iyo Imaaraadka Carabta ayaa u muuqda in uu soo gaaray heer gabagebo ah

3″ Mar “2023” BBC/Dheeho”

Kala jiid-jada犀利士 shadii Somalia ee dalalka Qatar iyo Imaaraadka Carabta ayaa u muuqda in uu soo gaaray heer gabgebo ah Iyadoo Shirkii ka dhacay Washington ee looga hadlayay Taageerada Dowlad-dhiska Somalia uu muujiyay midnimo lagu wajaho garabsiinta dowlada Somalia🇸🇴 si loo soo afjaro kala duwanaansho dhinacyo badan lahaa

Qoraal lagu daabcay bogga internet ka ee Dawladd Qatar ayaa lagu Sheegay in ay Doha qaban doonto shir ay isugu imaanayaan wadamada kala ah Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Imaaraatka Carabta iyo Soomaaliya si loo dardar galiyo sidii loo taageeri lahaa Soomaaliya

Aragtida Qatar Iyo Imaraatka carabta ee ku aadan Arimaha Somlia 🇸🇴ayaa in muddo ahba qeyb ka ahaa khilaaf soo jiitamayaya oo u dhaxeeya wadamadan khaliijka ka tirsan

kadib go,aankii dhaxdhaxaad ka ahaanshaha khilaafka wadamada khaliijka ee uu qaatay Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed cabdulahi farmaajo waxay somalia ka dhigtay saaxiibka Qatar Shantii Sano ee la soo dhaafay waxayna dowlada Qatar Somalia ka fulisay mashaariic ay kamid yihiin wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad.

laakiin talaabda Isu soo dhowaanshaha Dowladii Hore ee Somalia iyo Qatar waxay khilaaf diblumaasayeed kala galisay Somalia iyo Imaaraatka carabta

Dowlada Imaaraatka carabta waxay Soomaaliya muddo ka kaalmeyneysay arrimo uu ammaanku kamid ayahy. Waxay u tababartay Soomalaiya ciidamo ay mushaarkooda bixin jireen, inkasta oo xeradii ay ku lahaayeen Muqdisho ay ka xirtay dawladda Madaxweyne Farmaajo

Wadmada Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga ayaa iyana ah kuwii ugu horeeyay ee Soomaaliya muddo ka taageerayay dhinaca ciidamada iyo la dagaalanka al-Shabaab. Sidoo kale waxay ka mid yihiin wadamada ugu badan ee bixiya deeqaha caalamiga ah ee ay hesho Soomaaliya

Kusoo laabashada Madaxweyne Xasan Shiikh ee Talada dalka Bartamihii bishii Mey ee sanakii hore waxay somalia galisay
guluf colaadeed oo ka dhan ah al-Shababa, kaaso oo loogala waregay kooxda dhul balaaran ooy mudo ka talinayeen

Madaxweynaha Somalia Xasan shiikh Maxamuud oo dowladiisu ay qabanqaabisay shirweynaha culumaa,udiinka somalia ayaa taageero aan horey loo arag noociisa waxay ka heshay dadweynaha soomaaliyeed oo Ciidamada dowlada go,aansaday inay ka dhinac dagaalamaan

Ka Muujintiisa fagaaro walba baahida koowaad ee dalkiisa in uu yahay Amniga & kulankii wadamada dariska ee Somalia ay martigalisay waxay caalamka tustay in hogaamiyaha geeska africa ka soo foocay uu u baahan yahay in lagu taageero ka go,anaantiisa dagaalka ka dhanka argagixisada shabaab iyadoo saaxiibada caalamka ee somalia barbar istaagay ay ugu horeeyaa Maraykanka iyo Turkiga

Dadalaadan taageerada u baahan ee Amniga Somalia ayaa yimid iyada oo ay soo yaraadeen khilaafkii wadamada khaliijka sida uu Axmed ciisa cawada wasiirkii hore ee Arimaha dibada Somalia u sheegay BBC laanteeda afka somaliga

Leave a Reply