7″ Januaryn”2022″ Muqdisho” faallo
ELMI OSMAN FARAH BOODHARI Webmaster Dheeho.com
Madaxda maamul goboleed Galmudug,Hirshabeelle Gobolka Banaadir Iyo K/galbeed” Ma yihiin kuwo leh go,aan qaadasho ay u madax banan yihiin ?
Inkastoo aan meesha laga saari karin suurtagal,nimada in ay jiraan dad Rumeeysan kala qaybsanaanta maamul,goboleedyda oo u gogol xaartay cadeeyn la,aanta cida maamulaysa Amniga guud ee dalka in ay tahay waxa caqbad ku ah goaamo ka soo baxa shirka golaha wadatashiga qaran ee muqdisho” hadana Marka la doonayo in la ogaado duruufaha lug jiidaya shirka,waxaa haboon In aan dib ugu laabano sida aysan uga go,aneeyn maamulada qaar ka qaybgalka shirka” iyo ka gudubka maraladan kala,guurka ah
Sideey uga jawaabeen maamulgoboleedyadu baaqii R/Wasaare Rooble ee ku adanaa Qabsoomista shirka wadatashiga qaran oo ku asteeysnaa 27 kio December 2021?
Lafta,gareen oo Isaga si,cad ugu gacanseeyray marka laga yimaado Guudlaawe, Qoor,Qoor, Iyo Cumar finish waxay bixiyeen aamusnaan laga dheehan karay inaaney u heelaneeyn in ay soo hor,fariistaan Raysiwasaare Rooble oo madaxweynihii hore maxamed cabdulahi farmaajo kaga dhinaca dhawaaqay shir,xili ay taagan tahay xiisad ka dhalatay Iskuday afgambi oo golaha wasiiradu cambaareeyeen
SIDA AY SHIRKA KU YIMAADEEN
Marks laga reebo DANI & AXMED MADOOBE oo soo dhaweeyay Dalabkii R/W” Rooble ee ahaa in ay shir Isugu yimaadaan xubnaha Golaha wada tashiga qaran si loo saxo qaladaad ka jiray hanaanka doorashada aqalka hoose,waxaan shaki ku jirin in cadaadiska ka yimid beesha caalamka ay ka soo qaybgalisay shirka muqdisho ka furmay
SHIRKII ROOBLE KU BAAQAY OO FURMAY IYO KII FARMAAJO UU KU BAAQAY OO DHICSOOBAY “
Daah igama saarneeyn in Laftagareen,,Qoor,Qoor ,Cali,guudlaawe Iyo Cumar Finish ay yimaadeen Shir ay markii horaba ka cagajiidayeen ka qaybgalkiisa ,tiiyoo calaama su,aal dul dhigtay madaxda afarta ee xulufada dhaw la,ah musharax farmaajo ma ka suurtagashaa in u turaan maslaxada dalka iyo in ay meel Isaga tuuraan muraad shaqsi gaarah ah leeyahay?
ROOBLE OO BALAARIYAY SHIRKA
Ururrada Bulshada Rayidka,Haweenka. Midowga musharaxiinta Iyo Wakiilo ka socda beesha caalamka ayaa markii ugu horeeysay ka Qaybgalay oo talooyin ka dhiibtay shirka
Wakiilka gaarka ah ee Qaranada midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, sheegay inay taageerayaan shirka golaha wadatashiga qaran oo maalinkii labaad ka socda muqdisho. Isagoo tilmaamay in shirku yahay fursad lagu hagaajinayo cabashooyinka laga qabo doorashadda Golaha Shacabka.
“Waxaan garwaaqsanahay in khaladaad badan oo dhanka habraac ah lagu arkay doorashadda Golaha Shacabka ee illaa hadda la qabtay. waaxaan ku boorineyna golaha wadatashiga qaranka in shirkaan ay kaga faa’ideystaan sixitaanka cilladahaas si doorashaddu ay u noqoto mid hufan oo lagu kalsoonan karo” ayuu yiri erayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.
Warkan qoraalka ah ayaa lagu yiri “Golaha Wadatashigga Qaran waa inay dejiyaan jadwalka lagu dhameystirayo doorashadda oo ah mid suuragal oo dhammaan madaxda dowlad goboleedyadda xubnaha ka ah dowladda federaalka ay si dhab ah ugu go’an tahay
Waxaan sii wadeyna taageeradda golaha wadatashiga qaran si loo dhaqan galiyo heshiisyaddii17-kii Sebtember ee 2020-ka iyo 27-kii 27 May 2021. Waxaan u aragna in goluhu yahay mishiinka iyo awoodda ugu weyn ee dhaqaajineysa hannaanka doorashadda, mana taageerno gole kale.
Dhan kale ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu kamid noqdo saaxiibadda beesha Caalamka ee maanta kulan la yeeshay Golaha Wadatashiga Qaranka, waxaana uu dhiiragaliyey in golaha dedejiyaan geeddi-socodka doorashada Soomaaliya si loo horumariyo kalsoonida dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Cida maamulaysa masuuliyada guud ee Amniga, dalka ayaa ugu danbeeyntii noqday qodobka ugu xasaasisan ee ay Isku mari la’yihiin xubnaha shirka golaha wadatashiga oo ra’iisal wasaaraha iyo dowlad goboleedyada Butaland Iyo Jubaland ay doonayaan in maamulka amniga guud ee dalka lagu wareejiyo R/Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyo in taliyeyaasha ciidamada ay ka amarqaataan xukuumadda oo keliya ,Hakka Laftagareen,uu si rasmi ah uga soo horjeestay qodobkaas oo saameeyn weeyn ku leh habsami u socodka doorasho hufan oo dalka ka dhacda
Ajandahan ayaa lagu kala bixi,karay hadii ay aragtidooda cadeyn lahaayeen madaxda Galmudug, Hirshabelle iyo gudoomiyaha gobolka Banadir oo marka lagu daro laftagareen dhamantood noqonaya kuwo u janjeera dhanka farmaajo taas oo ka dhigatay kuwo aan lahayn go,aan qaadasho ay u madaxbanaan yihiin tiiyo rajadii somaliadu ka lahayd shirka iyo in daku horay u socdo ka dhigaysa hungo maran
Hadaba hadii lagu kala tago natiijo la,aan Lafta ,gareen,QoorQoor, Cali guudlaawe Iyo Cumar finish waxay farmaajo ugu hambalyeey doono in fashiliyeen shir soo dadajin lahaa doorasho dhabaha u xaraata in uu yimaado madaxweynihii badali lahaa farmaajo oo goordhaw u dabaaldagaya sanad guuradii koowaad oo xaafiiska fadhiyo Isaga oo aan ahayn madaxweyne sharci ah iydoo xujada burburka shirka halhys looga dhigayo MEEL AAN RABAY ROOB MA IGU ERYAY
WQ ELMI OSMAN FARAH BOODHARI