Kalluumaysiga sharci darrada ah, ee aan nidaamsanayn, lana soo sheegin (IUU) oo si gaaban haddii loo yiraahdo loo garan ogyahay kalluumaysiga sharci darrada ah waa hawl kasta oo la xiriirta kalluumaysi lo fuliyo si xadgudub ku ah shuruucda dalalka ama kuwa heer gobol.
Waxaa ka mid ah gaadiidka badda ee iyagoon ruqsad haysan ka shaqaysta biyaha dalalka, u hogaansanaan la’aanta qoondada kalluunka la jillaabto, ka kalluumaysiga meelaha mamnuuca ka ah, iyo isticmaalka qaababka la mamnuucay.
Inta badan kalluumaysigaas waxaa laga sameeyaa gudaha badweynta iyo xeebaha dalalka ay sharciyadooda iyo koontaroolkoodu jilicsan yihiin.
“Kalluumaysigu uma wax soosaar badna sidii uu sannado ka hor ahaan jiray. Kalluunka helitaankiisa ayaa dhif iyo naadir noqday” ayuu yiri Mbor Faye.
Ninkan oo ka soo jeeda dhulka xeebaha ee dalka Senegal wuxuu ka mid yahay dadka indhahooda ku arkay kalluun-yarida iyo hoos u dhaca khayraadka badda ee sannadihii u dambeeyey.
Kalluumaysiga sharci darrada ah ayaa loo markaa inuu saamayn baaba’ leh ku yeelanayo joogtaynta kalluumaysiga iyo sidii ay nolol uga heli lahaayeen dadka ku tiirsan, wuxuuna khatar ku yahay nolosha bulshooyinka, isagoo sababaya in malaayiin shaqo la waayo, abuurayana xaalado keenaya in la tahriibo.
Khasaaraha xagga dakhliga ee dalalka Afrika ayaa lagu qiyaasay $11.5 sannadkii, kaasoo ay ku jiraan $2.3 bilyan iyo 300,000 oo shaqo, waana lix dal oo ka mid ah dalalka galbeedka Afrika oo kaliya.
Sida laga soo xigtay hay’adda cunnada iyo beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), mid ka mid ah shantii kalluun ee la jilaabto dunida ayaa ah mid aan laga warhayn.
Ilaa 20% kalluunka sida sharci darrada ah loo jillaabto ee dunida waxay ka yimaadaan dhowr waddan ee ku yaalla galbeedka Afrika kuwaasoo kala ah Guinea, Guinea-Bissau, Mauritania, Senegal, iyo Sierra Leone sida laga soo xigtay Investigative Journalism Reportika (Ij – Reportika) oo ah shabakad caalami ah oo samaysa baaritaannada saxaafadeed.
Xiriir ma ka dhaxeeyaa kalluumaysiga sharci darrada ah iyo tahriibka?
Jawaabtu waa haa, sidaa waxaa yiri Aliou Ba, madaxa ololeyaasha badaha ee hay’adda Greenpeace Africa.
Sida uu khabiirkaas sheegayo, kalluunyarida ka dhalatay kalluumaysiga sharci darrada ah ayaa keentay in ay saamayn ku yeelato noloshii kalluumaysatada. “Inkastoo isku xirnaanashahan su’aal laga keeni karo, haddana xaqiiqada taalla ayaa ah mid aad u cad.
Tahriibka Yurub waxaa loo isticmaalaa doomo yaryar, waana kabtannada doomaha kalluumaysiga kuwa ku shaqeeya doomaha tahriibka. Haddii kalluumaysigu uu ahaan lahaa mid waafi ah, ma jiri lahayn sabab ay kabtannadaas nolol fiican uga raadsadaan Yurub” ayuu yiri khabiirkaas.
Yaa ku lug leh
Kalluumaysiga sharci darrada ah ayaa ah mid aad u baahsan, aad u habaysan, kharashna la galiyo qolyaha ka shaqeeya ee aan dambiyadooda loo qaban, waxaana hawlahooda ay u dhaxeeyaan min isdaba marin dokumenti ilaa iyo sharci darro ku kalluumaysi iyo canshuur la dhuumasho.
“Dhinacyada ku lugta leh kalluumaysiga sharci darrada ah waxay u badan yihiin maraakiib shisheeye, gaar ahaan Kuuriyaan, Shiinees, reer Yurub iyo Ruush. Gaadiidkaas badda waxay ka faa’iidaystaan dabacsanaanta koontaroolka iyo kormeerka dalal badan oo Afrikaan ah” ayuu yiri Aliou Ba.
Tobanka shirkadood ee ugu sarreeya sideed ka mid ah ayaa Shiinaha laga leeyahay.
Doomaha waaweyn ee Shiinaha ayaa iyagana la soo sheegay in xeebaha galbeedka Afrika ay kaga kalluumaystaan qaabab sharciga baal marsan, sida inay isticmaalaan nalal samaynaya iftiin aan run ahayn, ka kalluumaysiga aagagga loo asteeyey kalluumaysatada yaryar, iyo iyagoo isticmaala hanaanka “saiko” oo ah hanaan kalluunka aan la rabin badda lagu daadiyo, ama lagu wareejiyo doomo yaryar.
Soomaaliya sidee bay doonaysaa inay u xakamayso kalluumaysiga sharci darrada
Wasaaradda kaluumeysiga ee dawladda federaalka ee Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in tan iyo intii la ansixiyay shuruucda cusub ee kalluumeysiga ay dowladda Soomaaliya qaadday talaabooyin wax looga qabanayo kaluumeysiga sharci darrada ah.
Wasaaradda kaluumeysiga ayaa horey u soo saartay shuruuc lagu xakameynayo kaluumeysiga sharci darada ah.
Wasiir ku xigeenka kaluumeysiga Soomaaliya Cali Ifiye Cali ayaa dhawaan BBC u sheegay in ay jiraan shuruuc ku filan oo lagu ilaaliyo kheyraadka Soomaaliya.
“Sharcigaas wuxuu u yahay muhiim wasaaradda kaluumeysiga, waxyaabaha muhiimka ah waxaa ka mid ah in sharcigaas uu xaddidayo maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalumeysta xeebaha Soomaliya” ayuu yiri.
Waxaa uu intaa ku daray in dowladda ay awood sharci u leedahay taabba galinta shuruucda horey loo ansixiyay maaddaama ay tahay in maraakiibta ay dhowraan shuruucda badaha.
“Awoodda ma aha oo kali ah mid xaddidan laakiin si sharciyan ah markabkaas waxaan la tiigsanaynaa sharciga caalamiga ah, gaar ahaan kii baddeenna ku soo xad-gudba isaga oo aan ruqso iyo ogolaanshiyo haysan,” ayuu yiri.
Mr Ifiye ayaa xusay in uu jiro nidaam ay wasaaradda kalluumeysiga kula socoto maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalluumeysta xeebaha Soomaaliya.
“Wasaarada waxay leedahay nidaam lagula soconayo dhammaan maraakiibta sida sharci drada ah badda ugu jira, waana la xaddiday inay soo galaan,” ayuu intaa ku daray.
Wasiir ku xigeenka kalluumeysiga Soomaaliya Cali Ifiye Cali ayaa dhanka kale sheegay in sanooyinkii u dambeeyay ay wax badan ka qabteen kaluumeysiga sharci darada ah.
Waxaa uu farta ku fiiqay in ay jiraan maraakiib si sharci daro ah uga kaluumeysanayay oo ay maxkamad la tiigsadeen, islamarkaana xukunno lagu riday.
“Waad la socotaa in markab la soo qabtay maalin dhexdaa ah kaasi oo ka yimid dalalka Khaliijka, oo ay soo qabteen ciidamada badda maxkamad ayaa la keenay, waana la xukumay, kaluunkiina waddanka ayaa qaatay markabkiina waa la xukumay,” ayuu yiri Mr Ifiye.
Tobaneeyo sano oo dagaallo sokeeye iyo dowlad la’aan ah ayaa Soomaaliya ka dhigay mid u nugul kalluumeysiga sharci darrada ah, taasoo keentay in dalka ay kaga lunto lacag lagu qiyaasay 300 milyan oo doollar sanadkii.
Soomaaliya ayaa leh xeebta ugu ballaaran qaaradda Afrika taasi oo u baaahan ilaalinteeda dadaal iyo awood badan.
Xigasho BBC