10″ November “2022” SOURCE: REUTERS
Baarlamaanka Kenya ayaa ansixiyay in ku dhawaad 1,000 askari loo diro dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo (DRC) iyadoo su’aalo la iska weydiinayo qarashka dhan $37m ee lixda bilood ee ugu horreeya howlgalka.
Wargeysyada maxalliga ah ayaa sheegay in ansixinta oo la bixiyay Arbacadii, ay timid laba maalmood ka dib markii wasiirka gaashaandhigga Aadan Ducaale uu la kulmay guddiga difaaca ee baarlamaanka.
Warbixinta guddiga ayaa lagu sheegay in lacagtan lagu bixin doono qalabeynta, gunnooyinka, iyo howlgallada loogu talagalay in ka badan 900 oo askari oo ku biiraya ciidamada gobolka Bariga Afrika ee taageeraya ciidamada Congo ee ka dhanka ah kooxaha hubeysan.
Xildhibaanada mucaaradka ayaa su’aal ka keenay sababta Kenya ay qarashaadka badan ugu bixineyso howl galka gobolka iyadoo dalka uu wajahayo arrimo amni.
Kenya ayaa sidoo kale wajahaysa si犀利士 cir barar sare u sii kacaya iyo deymo badan oo shacabka lagu leeyahay oo uu madaxweyne William Ruto ka dhaxlay dhaxal sugaha Uhuru Kenyatta.
Toddobaadkii hore, Ruto waxa uu howlgalka ku tilmaamay mid “ lama huraan ah oo degdeg ah” amniga gobolka. Rabshadaha ay kooxaha hubaysan ka wadaan bariga dalkaasi ayaa horseeday xiisad diblomaasiyadeed oo u dhaxaysa DRC iyo Rwanda oo ay dariska yihiin, kuwaas oo midba midka kale ku eedeeyay inuu taageero kooxo gaar ah.
Ciidamada Kenya ayaa saldhig ka dhigan doona magaalada Goma oo ah magaalada ugu weyn bariga DRC. Ciidamada gobolka oo ay isku afgarteen madaxda dowlad goboleedyada bishii June, uuna hogaaminayay taliye Kenyan ah ayaa sidoo kale ka kooban labo guuto oo ka socda Uganda, labo ka mid ah Burundi, iyo mid ka socda South Sudan.
Waxaa jirta suurtagal ah in maalgelin caalami ah loo sugi karo howlgalka, ayaa lagu yiri warbixinta guddiga
DHINACA KALE ” Maxkamad ku taal Kenya ayaa laashay $60m oo dollar oo lagu soo oogay madaxweyne ku xigeenka Kenya
Maxkamad ku taal Kenya ayaa ogolaatay codsi ay soo gudbiyeen dacwad oogayaasha dowladda oo ahaa in lagala laabto dacwad musuqmaasuq oo dhan 7.4 bilyan oo shilin ($60m) oo ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua, iyadoo soo xiganeysa cadeymo ku filan. Gachagua, oo ah xildhibaan hore, ayaa lagu soo oogay dacwad musuqmaasuq sagaal kale
“Codsiga Agaasimaha Xeer Ilaalinta Guud (DPP) waa la oggolaaday,” Victor Wakumile, oo ah garsooraha ka hortagga musuqmaasuqa ayaa ku sheegay xukunkiisa Khamiista. “Dadka eedaysanayaasha ah waxaa halkan looga digayaa waxaana lagu wargelinayaa in mustaqbalka dib loo soo xiri karo iyadoo lagu eedeynayo isla eedeymo la mid ah,” ayuu raaciyay.
Horaantii bishaan, DPP Noordin Haji ayaa ka codsatay maxkamada inay ogolaato ka noqoshada eedaha musuqmaasuqa ee ka dhanka ah Gachagua, isagoo ku sababeeyay cadeymo la’aan.
Xukuumadda cusub ee madaxweynaha cusub William Ruto, dacwad oogayaasha ayaa ka noqday dhowr kiis oo ka dhan ah qaar ka mid ah xulafadiisa sababo la mid ah.
Bishii Oktoobar, Xaaji ayaa codsaday in laga laabto eedeymaha musuqmaasuqa ee lagu soo oogay Caa’isha Jumwa, oo hadda ah xoghaye golaha wasiirrada, taasoo la xiriirta lunsasho dhan 19 milyan oo shilin ($155,700). Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale laalay kiis ka dhan ahaa gudoomiyihii hore ee ismaamulka Samburu Moses Lenolkulal, kaas oo loo doortay xoghayaha guud.