3″ April “2023
Dacwad oogaha ugu sareeya Kenya ayaa laalay dacwad ka dhan ah afar xildhibaan oo ku saabsan mudaaharaadyo ka dhan ah dowladda, maalin kadib markii hogaamiyaha mucaaradka uu hakiyay banaanbaxyada, sida uu sheegay qareenkooda.
Eedeymaha ayaa laga noqday Isniintii ka dib markii Raila Odinga uu ku dhawaaqay inuu bilaabayo wadahadal uu la galo dowladda ka dib toddobaadyo rabshado wata oo waddooyinka.
“Kiiska waa la laalay… si loo helo nabad, wada-hadal iyo caddaalad u dhexeeya dadka eedaysanayaasha ah iyo dawladda,” qareen Danstan Omari ayaa u sheegay suxufiyiinta.
Afarta xildhibaan ee mucaaradka ah, dhammaan hogaamiyayaasha xisbiga Odinga ee baarlamaanka Kenya, ayaa la xiray waxaana lagu eedeeyay shir aan sharci ahayn dabayaaqadii bishii March, ka dibna dammaanad lagu sii daayay.
Kumanaan qof ayaa ka qayb qaatay saddex socod oo labadii todobaad ee la soo dhaafay looga soo horjeeday qiimaha sare ee maciishada iyo wax isdaba marin lagu eedeeyay doorashadii guud ee sanadkii hore.
Intii ay mudaaharaadyadu socdeen, booliisku waxay isticmaaleen sunta dadka ka ilmeysiisa iyo biyaha, oo ay ku jiraan kolonyada Odinga. Booliis xooggan ayaa la geeyay xarunta ganacsiga ee Nairobi usbuucii hore.
Isu soo baxa afraad ayaa la qorsheeyay Isniintii, laakiin si ku meel gaar ah ayaa loo joojiyay ka dib markii madaxweyne William Ruto uu ku baaqay wada xaajood, isla markaana uu soo jeediyay in la dhiso guddi labada dhinac ah oo dib u dhis ku sameeya guddiga doorashada.
“Xaaladan oo kale, anagoo eegayna dhacdooyinkii u dambeeyay ee sababay khasaare nafeed iyo burbur hantiyeed, waxaan kula dardaarmayaa Mudane. Raila Odinga inuu joojiyo mudaaharaad 壯陽藥 kale,” ayuu Ruto ku yiri hadal uu soo saaray Axaddii