Kenya oo dalka kusoo celineyso ciidamadii DF ee gudaha u galay dalkaasi

Dowladda Kenya ayaa wada in boqolaal askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay dib ugu soo celiso dalkooda hooyo, kuwaasi maalmo ka hor ka talaabay xuduudka labada dal kadib markii ay naftooda kala soo carareen Magaalada Raaskambooni ee Gobolka Jubada

Askarta oo sida la sheegay tiro ahaan gaaraya lix boqol ayaa haatan ku sugan xero ciidan oo ku taalla Magaalada Lamu, gaar ahaan xuduudka dalka Kenya, waxaana lagu wadaa in maanta ay dalka dib ugu soo noqdaan.

Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha Raymond Omollo ayaa sheegay in Ciidankooda ku sugan xuduudka ay soo dhoaweeyaan askartan oo ka mid ahaa kuwa ku sugnaa Magaalada Raskambooni oo maalin ka hor ay weerar culus ku soo qaadeen Ciidanka Maamulka Jubaland.

Wuxuu Wasiirka intaasi ku daray in haatan uu socdo qorshaha dib soo celintooda.

Lama ogga haddii Ciidankan ay si toos ah uga soo degi doonaan garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho, ama ar jirto meel kale oo la geyn doona oo ay dalbatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maalin ka hor ayay aheyd markii baraha bulshada ay qabsadeen sawiro muujinaya kooxo askar ah oo iska dhiibaya xuduudka Kenya, taasi oo hadal heyn ballaaran ka abuurtay gudaha dalka, iyadoo go’aanka ay isaga dhiibeen dalka Kenya lagu tilmaamay fadeexadii ugu xumeyd abid maadaama ay ahaayeen Ciidan Qaran oo la filiyay in xuduudkooda ka difaacdaan cadowga gudaha iyo kan dibadda.

Inkastoo aan weli si dhab ah loo ogeyn khasaaraha dhimisho ee ka dhashay Dagaalkii Arbacada ku dhexmaray Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Jubaland aagga Raaskambooni, ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaa in ay jiraan dhowr ah oo u dhintay dhaawacyo soo gaaray ka horta aanu gaarin xuduudka Dalka Kenya .

Maamulka Jubaland oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegaya in isbitaallada ku yaalla Magaalda Kismaayo lagu dabiibayo askar ka tirsan Ciidanka Xoogga kuwaasi oo soo gaaray dhaawacyo kala duwan, iyadoo xusid mudan in kuwa qaba dhaawacyo daran loo soo qaaday Magaalada Muqdisho ay u helaan adeeg nafbadbaadin.

Ilaa hadda lama ogga tallaabada xigta ee ay dowladda Federaalka Soomaaliya u qaadi doonto dhanka Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maddobe, marka laga yimaado eedeynta Wasaarada Gaashaandhiga ee aheyd in Madaxweyne Axmed Madoobe uu kaashaday Kooxda Al Shabaab si loo beegsado Ciidankooda ku sugan Gobolka Jubadda Hoose.