15 ” July ” 2021
Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in duqeyn dhanka cirka ah ay diyaaradaha dagaalka ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose.
Duqeyntan ayaa lala beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab kuwaasoo ku sugnaa jasiirada Kudhaa.
Agaasimaha la dagaalanka Argagaxisada iyo Amniga Qaranka kenya David Goldman ayaa sheegay duqeyntan ay khasaare xoog-leh gaarsiisey dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
“Waxaan duqeyntan ku dilnay illaa 11 dagaalamayaasha Alshabaab ka tirsan waana sii wadaynaa weerarada aan la beegsanayno argagaxisada,”ayuu yiri David Goldman.
Majiro wax war ah oo ka soo baxay Alshabaab oo la xiriira weeraradan duqeynta ah oo ay ciidamada Kenya ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose.
Weerarkan ayaa qeyb ka noqonayo howl-gallo ballaaran oo ciidamada huwanta ay ka wadaan deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.
Si kastaba, Al-Shabaab ayaa weli si aad ah ugu xoogan gobollada Jubbooyinka, waxaana ay gacanta ku hayaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolladaasi.