Kenya oo ka digaysa weeraro Al-Shabaab oo lagu taageerayo Xamaas

October 13, 2023

Dowladda Kenya ayaa soo saartay diginin uu heerkoodu sarreeyo oo la xiriirta weeraro ay maagan tahay kooxda Al-Shabaab inay ka fuliso dalkaas. Digniinta ayaa timid maalin kadib markii kooxdu ay taageertay weerarka Xamaas ay ku qaaday Israel oo socda muddo toddobaad ku dhow.

Weerarkii Xamaas oo dhowr weji ka koobnaa ayay hal mar ka wada qaadeen dhulka, cirka iyo badda, waana kii ugu waxyeelada weynaa ee abid soo gaara Israel. Kooxda oo adeegsaneysa farsamo, qalab iyo hub aysan horey u isticmaalin ayaa qabsaday taanyo, saldhigyo iyo askar Israel ah, iyaga oo sidoo kale afduubtay dad rayid ah.

Waxay sidoo kale ku rideen Israel gantaaladii ugu badnaa abid oo ka badan ilaa shan kun oo gantaal, kuwaas oo loogu magacdaray Injineer ee ay Israel dishay oo Xamaas u sameyn jiray diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo hubka oo u dhashay Tuniisiya.

Dad ka badan kun iyo saddex boqol oo Israel u dhashay ayaa ku dhintay weerarka Xamaas ee socda toddobaadka, halka kun iyo shan boqol oo kale oo Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymaha ay Israel ka wada marinka Qasa, oo ah magaaalo go’doonsan oo ay ku nool yihiin dad ka badan labo milyan oo qof oo Falastiiniyiin ah. Magaaladaas ayaa go’doonsan muddo ka badan lix iyo toban sano.

AFP

Digniinta Weerarka Al-Shabaab ee gudaha Kenya

Kooxda al-Shabaab ayaa arbadii bogaadisay weerarka Xamaas ay ku qaaday Israel, iyaga oo sheegay inay barbar taagan yihiin Falastiin. Horey waxaa weerarkaas u bogaadiyay kooxaha Al-Qaeda ku xiran ee ka howlaga Yaman iyo Siiriya. Laakiin dalal badan oo ay ka mid yihiin kuwa Muslimiinta iyo kuwa kale ayaan u arkin Xamaas inay tahay urur argagixiso oo la mid ah Al-Qaeda iyo Shabaab. Xitaa BBC ayaa diiday inay ugu yeerto Xamaas argagixiso, iyada oo kala kulantay dhaleeceyn weyn.

Ciidamada kahortaga weerarada Argagixisada ee Kenya ayaa hadda ka digaya weerar taageerada Xamaas ah oo ay Shabaab ka fuliso Kenya. Warka kasoo baxay booliska Kenya waxaa lagu sheegay in colaada ka aloosan Israel iyo Falastiin inay saameysay meelo ka baxsan halkaas, islamarkaas na ay abuureyso halis amni oo heer calami ah. Al-Shabaab iyadu kama hadlin weerar u qorsheysan oo ay Kenya ama meel kale ku qaado, laakiin sida caadiga ah, Al-Shabaab horey uma sheegto weerarada iyo waxyaabaha u qorsheysan. Halkan ka akhri Tirada dagaalyahanadda Al-Shabaab iyo awoodooda ciidan

Leave a Reply