Kenya oo Soomaalida U Ogolaatay Visaha dal ku galka (On Arrival)

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau ayaa Soomaaliylda u soo jeediyay fiisaha dal ku galka ee lagu qaato garoomada, isagoo sheegay inay jiraan fursado ganacsi oo aan laga faa’ideysan kaasoo u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya

Macharia Kamau oo maalin ka hor booqasho ku yimid Muqdisho ayaa tusaale u soo qaatay dalxiisa oo uu sheegay in aan wali si weyn looga faa’iideysan, isagoo xusay in xilligan Kenya ay Soomaaliya ka hesho 32,268 dalxiisayaal ah sanadkiiba.

Xayeeysiin

Waxaa uu sheegay in tirada dalxiiska la saddex jibbaari karo haddii la dhaqan geliyo hab maamuuska fiisaha dalka ku galka ah oo la soo saaro marka la yimaado garoonka.

Macharia wuxuu sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay isbedel kaas oo u aqoonsan kara dal muhiim u ah ganacsiga iyo iskaashiga dhawaana ay noqon karto isha ugu weyn ee dalxiiska iyo dakhliga hoteelada ee Kenya.

Waxaa uu sheegay in dalal ay ka mid yihiin Uganda, Djibouti, Ethiopia iyo Turkey ay arkeen awoodda Soomaaliya isla markaana ay duulimaadyo toos ah ku tagaan magaalada Muqdisho, arintaas oo ay tahay inay tixgeliso Kenya Airways.

“Balanqaadka ganacsiga iyo isdhaafsiga ganacsiga ee u dhaxeeya labada shacab ee Kenya iyo Soomaaliya waa mid cajiib ah waxayna u noqon kartaa isbadal dhaqaalaha iyo bulshada labada dal,” ayuu yiri Kamau.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in caqabadaha waa weyn ee siyaasadeed iyo amni ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya tobankii sano ee la soo dhaafay aysan aheyn inay hor istaagaan waxa faa’iidada weyn u leh iskaashiga iyo ganacsiga labada dal.

“Waxaan u safray Soomaaliya aniga iyo wafdi kooban oo ka socda wasaarada arimaha dibada oo ay ka mid yihiin agaasimaha waaxda shaqaalaha iyo maaraynta iyo khubaro kale si aan u eego xaalada kooxdeena diblomaasiyadeed ee Soomaaliya” Macharia Kamau.

Waxaa uu sheegay in ilaa 35,000 oo Kenyan ah ay hada ku noolyihiin Soomaaliya halka nus malyuun Soomaali ah ay sidoo kale degan yihiin xeryaha qaxootiga ee Kenya iyadoo qiyaastii 1.5 milyan oo isku dhaf ah waqti ka dib.

Xayeeysiin

Leave a Reply