4″ November “2022” Nairobi
Laba ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, darawalkoodii iyo bukaan lagu afduubay horraantii toddobaadkan waqooyi-bari Kenya ayaa la sii daayay, waxaana warkaan xaqiijiyay maamule maxalli ah.
Kooxda weerarka soo qaaday oo ay boolisku aaminsan yihiin inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday kooxdan, xilli ay la socdeen gaari ambalaas ah oo ku socday isbitaalka Ceel-waaq, waxayna u kaxeysteen dhanka xadka Soomaaliya.
“Afarta dhibanayaasha ah ayaa la sii daayay ka dib wadahadalo dhexmaray odayaasha deegaanka iyo maamulayaasha oo Kooxdii afduubka geestay lahadlay kuwaas oo ku guuleystay in ay xaqiijiyaan siideyntooda,” ayuu yiri Onesmus Kyatha, Guddoomiyaha Degmada Mandheera.
Guddoomiyaha oo Warbaahinta Gudaha la hadlaayay ayaa intaasi ku daray hadalkiisa “Dhammaantooda dadka la afduubtay waa ammaan oo caafimaad qabaan.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Mandhera