Xildhibaanada lix kursi ooy ku jirto Khadiijo M. Diiriye oo lagu doortay jowhar


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

31″ Jan”2022 ” Jowhar

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa mar kale kusoo baxday doorashada mid  ka mid ahaa kuraasrta Golaha shacabka Baarlaaamnka 11aad oo manta doorashadiisa lagu qabtay Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirsahbeelle.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop#097 ee golaha shacabka Baarlaanka Fderaalka Soomaaliya.

Doorashada Golaha shacabka ayaa si toos ah uga bilaaabtay Magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle, waxaana doorashdooda la qabtay lix kursi oo ka tirsan Golaha shacabka

Maxamed Cumar Ceymoy ayaa markale loo doortay xildhibaan Golaha Shacabka kadib markii musharaxii la tartamayay oo goobta doorashada ka maqan ay wada tartameen.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cumar Ceymooy ayaa helay codad gaaraya 73 Cod halka musharax Maxamed Cumar Cali oo aan goobta doorashada iman uu helay codad gaaraya 13 cod kursiga Hop055 .

Waa markii ugu horeysay ee doorashada Golaha Shacabka sanadkan uu doorashada ka qeybgalo musharax aan goobta ku sugneyn balse qaatay shahaadada musharaxnimada.

Farxiyo Maxamuud Dhaqane ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop#052 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Jowhar.

Sidoo kale waxaa markale la doortay Dahabo Suusoow Maxamuud oo ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay #Hop088 Ka dib markii aay tanasushay masharaxadii la tartameysay ergada ayaana cod gacan taag ah ugu codeeysay dahabo Suusow Maxamuud.

Waxaa ilaa hadda dib loo doortay afar xildhibaan oo hore uga tirsanaa baarlamaankii 10aad,waxaa lagu wadaa in sidoo kale dib loo doortay labo xildhibaan oo hore uga tirsanaa baarlamaankii hore.

Xildhibaan Yusuf Ibrahim Afrax (Yuusuf Kabaale) ayaa ku soo baxay kursigii u horreeyay ee Golaha Shacabka ee deegaan doorashadiisa tahay Hirshabelle.

Yuusuf Kabaale ayaa helay codad gaaraya 69 cod,waxana lagu wadaa in illaa shan kursi oo kale saaka lagu doorto magaalada Jowhar.

Leave a Reply