Radiodalsan
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax xoogan oo duhurnimadii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka.
Qaraxaas oo ahaa mid gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay Waaxda shanaad ee Kaxda, kadib markii halkaas lagu dilay Guddoomiyihii Waaxdaas Ibraahim Coloow Cali, ayna gaariga goobta uga tageen ragii ka dambeeyay dilkaas.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in gaarigaas uu qarxay, xili goobta lagu dilay Guddoomiye Waaxeed ay gurmad u tageen Guddoomiyaha degmada Kaxda, taliyeyaasha Ciidanka degmadaas iyo xubno kale.
Warar la helayo ayaa sheegaya in Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Yuusuf uu ka badbaaday qaraxaas, balse la tilmaamay inuu ku dhaawacmay taliye Ciidan oo ka tirsan degmadaas.
Ugu yaraan saddex qof ayaa la sheegay inay qaraxaas ku dhinteen, halka 13 qof kalena uu dhaawac soo gaaray, kuwaasi oo la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale qaraxaas ayaa waxaa ku burburay Guryo ka dhisnaa Jiingayo oo ku yaallay meel ku dhow goobta uu qaraxu ka dhacay, sida lagu arkayay Sawirro laga soo qaaday halkaas, laguna faafiyay baraha Bulshada.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka oo ku aadan qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho, sidoo kalena ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadiisa, hayeeshee Al-shaabab ayaa inta badan sheegta qaraxyadaan oo kale.