Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Muqdisho

17 November 2020 Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Is-miidaamin ah oo duhurnimadii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa inta badan laga maqlay xaafaddo dhowr ah oo ka tirsan Gobolkaan Banaadir.

Qaraxaas oo ahaa Is-miidaamin ayaa waxaa fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, wuxuuna sigaar ah uga dhacay maqaaxi ku taalla agagaarka Dugsiga tababarka Jeneraal kaahiye ee degmada Xamar-jajab ee Gobolka banaadir.

Dad goobjoogayaal oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in qaraxaas uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad isugu jiray shacab iyo Askar ka tirsan Ciidanka dowladda oo xiligaas ku sugnaa maqaaxida la qarxiyay.

Dhinaca kale Afhayeenka Ciidanka Booliska dowladda Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) oo warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay inay geeriyoodeen 6 qof oo isugu jira shacab iyo Askar, halka ay ku dhaawacmeen 8 qof kale

Dadkii dhaawacmay ayaa waxaa goobta looga daabulay gaadiidka gurmadka deg dega ah, isla markaana waxaa la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baaritaano kala duwan ka sameeyay halka uu qaraxu ka dhacay, iyagoona inta uu socday baaritaanka xiray gebi ahaan waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa aaga oo dhan ah.

Sawirro laga qaaday goobta lagu faafiyay faafiyay baraha Bulshada ayaa muujiyay burbur xoogan uu soo gaaray maqaaxida oo aheyd goob shaaha laga cabo, isla markaana waxaa dulka daad-san kuraastii ay ku fadhiyeen dadkii la qarxiyay.

Weli ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxaas Maanta ka dhacay degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir, hayeeshee qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa looga bartay inay sheegtaan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Leave a Reply