Friday ” 19″ November ” 2021 Bardaale
Ugu yaraan toddoba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, 10 kalena waxaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay magaalada Bardaale ee gobolka Baay,
Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay suuqa mashquul badan oo qaadka lagu iibiyo oo ku yaalla magaalada, xilli ay dad badan ku sugnaayeen.
” Hal mar ayaan maqalnay qaraxa, waxaa xigay qiiq xill壯陽藥 i uu suuqu ahaa mid mashquul badan. Wixii intaa ka dambeeyay waan kala cararnay,” ayuu yiri Maxamed Cabdi oo ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay.
Illaa iyo hadda ma cadda waxa sababay qaraxa iyo cidda fulisay. Masuuliyiinta Koonfur Galbeed wali wax war ah kama soo saarin qaraxaasi.
Saddex qof oo ka mid ah 10-ka qof ee dhaawaca ah ayaa lagu warramay in xaaladdooda ay aad u liidato, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka.