Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa maanta hoygiisa ku martiqaaday Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Kulankaas ay ka wada qaateen Kheyre iyo Jawaari oo socday saacado dhowr ah socdau ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid la xiriiray is-xogwareysi xaaladda siyaasaddeed ee dalka iyo marxa lada kala guurka
Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan iyo Xasan Cali Kheyre ayaa isku boggaadiyay howlihii shaqo ay dowladda Federaalka u qabteen inta xilka haayeen.
Xasan Cali Kheyre oo labo cisho ka hor ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Muqdisho ka bilaabay kulamo siyaasadeed oo bilow u ah Ololihisa doorashada Madaxweynaha Soomaaliya sanadka 2021.