Khilaafkii Maamulka Puntland iyo Ciidamada PSF ee la dagaallanka argagixisada oo yeeshay waji cusub

Sunday 27” “November” 2021 BBC

Khilaafkii maalmahan u dhaxeeyay madaxda maamulka Puntland iyo ciidamada la dagaallanka argagixisada ee Puntland ee loo soo gaabiyo PSF ayaa yeeshay waji cusub kaddib markii hoggaanka ciidamada PSF ay maamulka Puntland ku eedeeyeen in ay doonayaan in ay “isku laayaan oo ay dagaallamaan” ciidamada kala geddisan ee maamulkaasi.

Taliyaha ciidanka PSF, Cabdiraxmaan Maxamed Jamac iyo ku xigeenkiisa Cabdulqaadir Cabdi Axmed oo ka jawaabayay hadal maanta ka soo yeeray wasiirka Amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan oo ahaa in xilka uu wareejiyo agaasimaha ciidammada PSF, si waafaqsan wareegto dhawaan ka soo baxday madaxtooyada Puntland.

Taliyeyaashani ayaa dowladda ku eedeeyay in ciidamo badan ay dhigtay waddooyinka magaalada Boosaaso, si loo xayiro dhaqdhaqaaqooda isla markaana “la isugu laayo ciidamada”, waxayna mar kale sharcidarro ku tilmaameen xil ka qaadistii uu dhawaan madaxweynaha Puntland ku sameeyey agaasimaha hay’addaasi Maxamuud Cismaan.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa 24-kii bishan soo saaray xeer madaxweyne oo uu ku magacaabayay agaasimaha cusub ee hay’adda PSF balse hoggaanka hay’addaasi ayaa magacaabistaasi iyo xil ka qaadistii agaasimihii hay’addaasi ku tilmaamay sharcidarro.

Wasiirka Amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in aanay jirin waddo kale oo u furan hoggaanka hay’addaasi oo aan ka ahayn in agaasimaha PSF uu xilka ku wareejiyo agaasi壯陽藥 maha cusub ee uu madaxweyne Deni magacaabay.

“Horta waddanka nidaam baa ka jira iyo kala dambeyn. Qofku waa khaldami karaa, wax buu is-moodsiin karaa, laakiin ugu dambeyn waxay ku dhammaaneysaa in nidaamka dastuuriga ah ee waddanka ka jira loo hoggaansamo. Madaxweynaha taliyihii hore ee PFS xilkuu ka qaaday, taliye cusub buu u magacaabay. Wax kale oo muran ah iyo dood ah iyo midna ma jiraan. Xilkaasi waa in uu u kala wareegaa labada taliye oo midna ka degay midna soo fuulay. Wixii kale oo soo hara waa hadal badni iyo hadal-tiro,” ayuu yiri wasiir Gallan.

Wasiirku waxa uu agaasimaha xilka laga qaaday ku eedeeyay dib-u-dhaca ku yimid ku kala wareegidda xilkaasi, wuxuuna sheegay in uu ku rajo weyn yahay in xilkaasi lagu kala wareegi doono.

“Meeshatan beerlaxawsi ma yaallo, hadal jilicsanna agtayada ma yaallo. Digreeto ayaa soo baxday, nin baa xil laga qaaday nin baa loo magacaabay, waa in xilkaa uu kala wareego. Wax kale oo hadal ah ma jira,” ayuu yiri wasiirku, wuxuuna intaa ku daray “waa ay dhici jirtay nin ayaamo xoogaa xilka isku adkeeyo…laakiin {ugu dambeyntii} xilka waa uu wareejin jiray. Maxamuud-na waddadaasi ayuu marayaa xilkana wuu wareejinayaa.

Ciidamada PSF

Tan iyo markii ay soo baxday wareegtada madaxweynaha Puntland, waxaa magaalada Boosaaso soo gaarayay ciidamo badan oo ka tirsan kuwa PSF-ta oo u muuqday in ay ka gadoodsan yihiin xil ka qaadista agaasimaha hay’addaasi, waxaana arrintaasi walaac ka muujiyay shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Waxaa jirta cabsi ah in khilaafkan uu ku dambeyn doono gacan ka hadal dhex mara ciidamada PSF iyo kuwa kale ee maamulka Puntland balse taliyeyaasha PSF ayaa ku adkeysanaya in aysan diyaar u ahayn in gacan-ka-hadal uu dhex maro iyaga iyo ciidamada kale ee maamulka Puntland ama lagu dagaallamo magaalada Boosaaso.

Dhaka kale, wasiir Gallan oo ka jawaabayay cabsidaasi ayaa BBC-da u sheegay in “arrintaasi waxba kama jiraan…ciidamadii PSF-ta ahaa ee ka soo baxay furimnaha waxay joogaan xarunta PSF-ta, waana annagii hadda ku amreynay in ay xaruntooda ku nagaadaan ilaa amar dambe inta ay xil wareejintu dhammaaneyso”.

Waxa uu sheegay in “ciidamada kale ee dowladda Puntland ee aan PSF-ta ahayn, Bosaaso horey bey u joogeen, ciidamo kala duwan baa joogay, kuwo hor leh baa imaanaya, amnigana khalkhal kuma aha waxay adkeynayaan amnigii Boosaaso ka jiray, waxay tagayaan fariisamadii loogu talagalay, shacabkuna dhib kuma aha, aminga Boosaaso in ay wanaajiyaan mooyee wax khalkhal ah iyo dhib ah kuma aha. Waxba ma dhacayaan, amarka dowladduna wuu shaqeynayaa, digreetada madaxweynuhuna sida ay tahay bey u dhaqan galeysaa…marka waxba yaan umadda beenna loo sheegin khalkhalna la gelin.”

Mar wax laga weydiiyay waxa laga yeelaya ciidamada tirada badan ee ka soo baxay aagga buuraleyda ah ee ay kula dagaallamayeen kooxda Dacish ayaa waxa uu ku jawaabay “Puntland waa dowlad ballaaran oo ciidamo farabadan oo kala duwan leh. Haddii ay dhacdo in meel ka mid ah meelihii furimaha ahaa ee ciidamadu deganaayeen ama ay ciidan yaraan ku dhacdo…waxaa jira oo diyaarsan colal farabadan oo loogu talagalay meeshi baahi ka jirto {isla markiiba} in ay buuxiyaan, sidii baana dhacday. Haddii ay ciidamadaasi furinta joogay ay soo banneeyeen wakhti badan ma aysan qaadan markiiba ciidankii soo baxay ciidan laba jibbaarkood ah ama ka badan ah in ay fariistaan fariisamadii ay ciidamadu ka soo bexeen.”

Maxay yihiin ciidamdaa PSF

Sida uu sheegaya Korneel Cabdiwaaxid Maxamuud Xasan oo ahaan jiray madaxii hore ee ciidammada Daraawiishta Puntland, ciidamadan PSF ayaa ka tirsanaan jiray kuwa horey la isugu oran jiray PIS oo la aasaasay xilligii Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana markii ugu horreysay agaasime ka soo noqday Maxamed Aadan Bidaar.

Ciidamada PSF

Ciidamadani markii hore waxay isugu jiri jireen milatari iyo sirdoon loogu talagalay la dagaallanka argagaixisada balse markii dambe waa la kala saaray oo milatariga waxaa ku haray PSF, halka sirdoonkuna uu noqday mid ka baxsan.

“Ujeeddada loo aasaasay wuxuu ahaa la dagaalanka argagixisada maadaama argagixisadu ay wakhtigaasi Sebteembar 2001-dii wixii ka dambeeyay ay argagixisadu soo xoogeysatay, taliskanna muhiim uu u ahaa Geeska Afrika, Mareykankuna ay aad u daneynayeen, Cabdullaahi Yuusuf-na uu dhawr goor ka cawday argagixiso iyo arrimahaasi in ay ka jiraan bariga, baa hay’addani loo ogolaaday in ay halka ka hawlgasho {xarunna } ku yeeshaan qolodaa Mareykanka,” ayuu yiri Korneel Cabdiwaaxid oo sharraxaya ujeeddada loo aasaasay ciidamadan.

Doorka Mareykanka ku leeyahay ciidamadan PSF

Ciidamadan ayaa waxaa saadka iyo mushaarkuba ka taageeri jiray dowladda Mareykanka oo sida uu sheegaya korneel Cabdiwaaxid talo weyn ku leh isbadalka haatan lagu sameeyay ee khilaafka dhaliyay.

“Mareykanku, xaqiiqatan ciidankan isaga ayaa gacanta ku hayay {dhanka saadka iyo dhaqdhaqaaqooduba} haddeer 11 bilood muddo ah wuu ka maqnaa Mareykanku gudaha Soomaaliya, markii u dambeysay Trump dhimis balaaran oo uu ku sameeyay bariga Afrika iyo aduunkuba ciidamadiisii ku kala maqnaa baa saameeyay iyo khilaaf hay’adda dhexdeeda ah oo soo noqnoqday…qalabkii muhiimka ahaana waa ay ka qaateen oo Balad-doogle iyo Jabuuti bey u kala guureen, mushaar qallalan baa bixi jiray oo kaliya, wax saad ah oo ay bixin jireen iyo wax hawlgallo ah oo ay la sameyn jireen ciidamada ma jirto 11-kii bilood ee aan soo dhaafnay,” ayuu yiri Korneel Cabdiwaaxid.

AFRICOM

Inkastoo muddo uu Mareykanka ka maqnaa arrimaha maamulka ciidamadaasi sida uu sheegaya Korneel Cabdiwaaxid, haddana Mareykanku, qeyb weyn ayuu ku leeyahay maadaama uu isagu bixiyo saadkooda.

Khilaaf joogta ah

Hay’addan ayaa waxaa marar badan soo maray khilaaf dhexdeeda ah iyo mid kala dhaxeeya hoggaanka Puntland, waxaana arrintaasi loo aaneynayaa in qaab ahaan ay ka madax-bannaantay dowladda balse hoggaanka Puntland ay doonayaan in ay maamulkeeda gacan ku yeeshaan.

Ciidamadan horey waxay u ahaayeen PIS balse waxaa loo kala saaray milatari oo ah PSF iyo mukhaabaraad PIA ah sababo la xiriira khilaafka joogtada ah ee hareeyay ciidankan iyo hay’adda maamushaba.

“Dhawr goor bey nimankani hay’adda ka cawdeen in isbadal lagu sameeyo waxyaaba ay tirsanayeen oo la isla fahmi waayay wakhtigii Cabdiweli Cali Gaas iyo wakhtigii ka horreeyay oo hay’addu ay laba u kala jabtay,” ayuu yiri Korneel Cabdiwaaxid oo sharraxaya khilaafka horey u soo maray hay’addan.

Sababta khilaafka hadda jira

Diyaana

Khilaafka hadda taagan ayaa ka dhashay wareegtada madaxweyne Deni uu soo saaray 24-kii bishan, taasi oo xilka looga qaaday Maxamuud Cismaan Cabdulaaahi (Maxamuud Diyaano) isla markaana xilkaasi loo dhiibay Amiin Xaaji khayr oo hay’adaha amniga Soomaaliya ka soo shaqeeyay.

Maxamuud Diyaano waxa uu la dhashay Asad Diyaano oo xilka uga horreeyay, waxaana uu badalay kaddib markii Asad uu u tartamay madaxweynenimada Puntalnd. Asad wuxuu la tartamay madaxweynaa hadda haya talada Puntalnd, Saciid Cabdullaahi Dani.

Tobankii sano ee la soo dhaafay waxaa ciidamadan hoggaanka u hayay qooyska agaasimaha uu haatan madaxweyne Deni xilka ka qaaday, waxaase jirtay aragti ah in ciidamadu gacanta u galeen qoyskaasi.

Korneel Cabdiwaaxid waxa uu ku doodadayaa in muranka haatan taagan uu ka dhashay isbadalka la doonayay in hay’adani lagu sameeyo maadaama sida uu sheegaya ay sii dhimanayso oo aysan hadda helin taageeradii badneyd ee ay Mareykanka ka heli jirtay.

“Hay’addii oo sii baaba’ayso, wadahadal dhawr jeer dhex maray madaxweynaha iyo qolada Mareykanka oo hay’addan saadka iyo mushaarka ka taakuleysa buu ku yimid horta isbadalkan…dhawr qof buu madaxweynuhu u gudbiyay hay’adda, dhawrkii qof agaasimaha haddeer loo magacaabay bey isla qaateen maadaama talo-wadaag ay yihiin Puntland iyo Mareykanka, si loo wada shaqeeyo dadka la magacaabayana inta abdan talo-wadaag bey ka yeeshaan. Sidaa awgeed, haddeer waxay isla soo qaateen in hay’addii bid boorka looga jafo agaasima cusubna loo magacaabo,” ayuu yiri Korneel Cabdiwaaxid.

Sharciyadda ciidamada PSF ku dhisan yihiin

Ciidamada PSF

Dad badan ayaa khilaafkan hareeyay ciidamadan u aaneynaya sharciyadda ay ku dhisan yihiin marka loo eego ciidamada kale ee Puntland. Maamulka Puntland waxa uu leeyahay ilaa lix ciidan oo kala ah Asluubta, Booliska, Nabad-sugidda, Daraawiish, PS iyo PMPF.

Balse khubaro uu Korneel Cabdiwaaxid ka mid yahay ayaa sheegaaya in ciidamada PSF (oo ka mid ah PS-ta) aysan dastuuri ahayn isla markaana dhismahooda iyo sharciyaddooda aan la soo marsiin baarlamaanka Puntland.

“Puntland afar ciidan baa (dastuuri) ah; ciidanka asluubta, booliska, nabad-sugidda iyo daraawiishta. Afartaa ciidan waa dastuuri oo waxay ku jiraan diiwaanka dowladda, miisaaniyadda, baarlamaanka ayay mareen oo waxay leeyihiin nidaam ay ku shaqeeyaan. Laba hay’adood dastuuri ma ahan sharci ay ku shaqeeyaan oo rasmi ah oo baarlamaanka marayna ma jiro: waa hay’adda PMPF iyo PS-ta waana waxa keenaya in mar walba uu khilaafkii soo noqnoqdo sababtoo ah hay’addii dowladdana waa ay ka tirsan tahay si ayayna u dhaafsan tahay oo aad moodaa in ay u madax-bannaan tahay. Dhinacna kuma cadda, taasi ayaana keenaysa in uu khilaafkii soo noqnoqdo oo mar waliba la isku qabsado. Madaxweyne kastaa oo yimaadana wuxuu rabaa awooddii inuu isaga isticmaalo ay hay;addaasi ku shaqeynaysay,” ayuu yiri Korneel Cabdiwaaxid.

Leave a Reply