Khubaro ka socday IOM ayaa tababar ku saabsan maareynta nidaamka socdaalka u soo gabagabeeysay..

13- August-2023

Saraakiil bareyaal ah oo katirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), ayaa waxaa magaalada Kalimanjaro – Moshin ee dalka Tanzania ugu soo gabagaboobay tababar ku saabsanaa macalinimada Habka Socdaalka (TOT MIDAS Training).

Tababarkan Macalimo oo Saraakiisha barayaasha ah u socday mudo 5 Maalmood ah, ayaa qeybtiisa koobaad waxaa loo qabtay Saraakiil ka kala socotay Xuduudaha dalka Soomaaliya, waxaana tababarka siiynayay Khubaro ka socotay Xarunta Dhexe ee hay’adda IOM ay ku leedahay Magaaladda Geneva, ee Dalka Swizerland.

Saraakiishan bareyaasha ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee uu tababarku u soo xirmay, ayaa mudadii uu Tababarku u socday waxey halkaa ka soo kororsadeen aqoon iyo waayo aragnimo ku saabsan maareynta nidaamka socdaalka xuduudaha,(MIDAS Training),

Saraakiishan ayaa waxaa laga sugayaa iney Saraakiisha kale ee Hey’adda ee ka howlgala xuduudaha dalka ay uga faa’ideeyaan aqoonta ay soo barteen, islamarkaana ay u furaan tababaro ku saabsan nidaamka Habka Socdaalka Dalka (MIDAS Training), oo ah nidaam isku xiraya socdaalka xuduudaha dalka, si ay iyaguna ugu sii dabaqaan shaqada ay u hayaan Hey’adda, loona fududeeyo xogta Socdaalka iyo iska Warqabka Saraakiisha ka howlgala xuduudaha dalka.