Kiimikadii Lagu Qabtay Muqdisho Qarax Noocee Ah Ayaa Laga Sameyn Karaa?

Bbcsomali.co

Laamaha amniga ee Soomaaliya ayaa Taladaadii shaaciyay inay magaalada Muqdisho ku qabteen xaddi aad u badan oo ah kiimikada sulphuric acid, taasoo la sheegay in loo waday Al-Shabaab si ay waxyaabo qarxa uga sameeyaan.

Arrintan waxay kusoo aadday xilli isla shalay Soomaaliya laga xusayay sannad guuradii saddexaad ee kasoo wareegtay markii qarax ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho lagu dilay dad ka bada 600 oo ruux, 14-kii bishii October ee sanadkii 2017-kii.

Saraakiisha sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay indhowr ruux loo xidhay soo galinta kiimikadaas oo xaddigeedu dhan yahay 79 tan, haddana uu socdo baadhitaan.Ka bood Twitter boggan,

Ma jirto faahfaahin dheeraad ah oo ay hay’adda nabad sugidda Soomaaliya (Nisa) ka bixisay sida lagu qabtay kiimikadaas iyo goorta gacanta lagu dhigay toona. Sidoo kale ma jiraan wax sawirro ama muuqaallo ah oo ay kasoo gudbiyeen.

Waa maxay Sulphuric Acid?

Sulphuric acid (H2SO4) waa maaddo ka sameysan walxo ceyriin ah oo loo adeegsado howlaha warshadaha qalabka lagu farsameeyo.

Qeyb aad u badan ayey kiimikadan ka qaadataa soo saarista qalabka bacriminta iyo qabata howlo kale oo ay ka mid yihiin dhalaalinta biraha, midabeynta walxaha aan noolaha ahayn, nadiifinta shidaalka, soo saarista warqadaha iyo arrimo badan oo la xidhiidha kiimikooyinka wax soo saarka.

Abuuritaanka kiimikada sulphuric acid waxaa loo maraa ilaa saddex marxaladood, sida aan kasoo xigannay bogga Science Direct, ee ka faallooda arrimaha seyniska iyo maadooyinka laga sameeyo.

.

Meelo badan oo ka mid ah adduunka waxaa ka dhaca weerarro loo adeegsado aashitada sulphuric acid.

Arrimaha kale ee falgalka kiimikadan loo adeegsado waxaa ka mid ah sameynta qaraxyada aadka u awoodda badan.

Qarax noocee ah ayaa laga sameeyaa Sulphuric acid?

Sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Hay’adda, kiimikadan waxay ku socotay gacanta kooxaha kasoo horjeeda dowladda, kuwaasoo la aaminsan yahay inay ka sameynayaan waxyaabo qarxa.

Al-Shabaab ayaa si joogto ah u fulisa qaraxyo qeyb ka ah ololahooda ku aaddan sidii ay meesha uga saari lahaayeen dowladda ay beesha caalamka taageerto ee Soomaaliya.

Xagey Soomaaliya uga imaadaan hubka mamnuuca ah?

Sanadkii lasoo dhaafay, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walxaha qarxa ee gudaha lagu sameeyo ku daray inay qeyb ka yihiin cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.
Cabdisalaan Guuleed, oo ah Taliye ku xigeenkii hore ee Nisa ayaa sheegay in meelo badan hubka sharci darrada ah laga soo galin karo Soomaaliya.
“Soomaaliya horta waa waddan iska furan oo xuduudihiisa furan yihiin, meel kastana wax laga soo galin karo. Nimankan waxyaabaha qarxa isticmaalahana, sida Al-Shabaab iyo IS waxyaabo badan ayey ka sameeyaan qaraxyada, sida walxaha bacriminta loogu talagalay. Meesha ugu badan ee Soomaaliya uu hubka kasoo galo waa xadka badda ee ay Soomaaliya la leedahay Yemen, halkaasoo ah bad furan oo aysan cidna waardiyeynin, dhinaca Itoobiyana way iska furan tahay waana waddan warshado badn oo hub ah ku yaallaan,” ayuu yidhi Cabdisalaan.
Ilaa hadda ma jiro war kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ay uga jawaabayaan sheegashada NISA ee ku aaddan in la qabtay kiimikada “u socotay dhankooda

Leave a Reply