Koonfurta Suudaan oo lagu wado inay qabato xilka guddoomiyaha dalada Bariga Afrika ee EAC

Madaxda dowladaha xubnaha ka ah dalada bulshada bariga Africa EAC ayaa lagu wada inay ka wada hadlaan isbedelka cimilada iyo sugnaanta cuntada todobaadkan

Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir Mayardit ayaa la filayaa in uu qabto xilka guddoomiyaha shir madaxeedka dalalka Bariga Afrika ee EAC, shirka soo socda ee caadiga ah ee madaxda dalalka EAC, sida uu qoray wargeyska The East African.

Madaxweyne Kiir ayaa lagu wadaa inuu beddelo madaxweynaha Burundi Evariste Ndayishimiye oo muddadii halka sano ahayd ee uu xilka hayay ay dhammaatay bartamihii sanadkan, iyadoo shir- madaxeedka dalada EAC la filayo in todobaadka soo socda uu ka dhaco magaalada Caruusha ee dalka Tanzania 23-ka ilaa 24-ka bisha Novembe

Xoghayaha guud ee EAC Dr Peter Mathuki ayaa shaaca ka qaaday jadwalka guddoomiyenimada Kiir bishii Sebtembar ee sanadkan xilli uu socday shir ay lahaayeen wafuuda ururka gobolka.

Madaxweyne Kiir ayaa la filayaa inuu noqdo Guddoomiyaha xiga ee Ururka Bariga Afrika Burundi kadib. Magacaabida Kiir ee guddoomiyenimada waxay caddayn u tahay sida ay Koonfurta Suudaan uga go’an tahay is-dhexgalka gobolka,” ayuu yiri Dr Mathuki.

Kiir ayaa la filayaa in uu hoggaamiyo ururkan gobolka, xilli gobolka uu ka socdo wadahadallo ku saabsan nabadda iyo ammaanka gobolka, gaar ahaan qalalaasaha ka taagan Suudaan iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga bari ee Congo, halkaas oo Koonfurta Suudaan ay geysay ciidamo qayb ka ah kuwa gobolka Bariga Afrika. si ay gacan uga geystaan ​​soo celinta nabadda

Guddoomiyaha EAC waa jago wareeg ah oo uu hayo waddan kasta oo xubin ka ah muddo hal sano ah.

Guddoomiyaha hadda ee EAC waa madaxweynaha Burundi Ndayishimiye, oo bishii July ee sannadkii hore ay doorteen madaxda dalalka Bariga Afrika intii uu socday shirkii caadiga ahaa ee 22-aad ee madaxda dalalka EAC oo lagu qabtay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.

Wuxuu bedelay Madaxweynihii Kenya Uhuru Kenyatta.

EAC waa urur goboleed ka kooban todobo wadan oo shuraako ah oo ay ku jiraan Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda iyo Tanzania, halka xaruntu ay ku taal Arusha, Tanzania.

Leave a Reply