Friday ” 1″ October “2021” Guriceel
Madaxda Ahlu Sunna Waljameeca ayaa war rasmi ah kasoo saartay dagaalkii shalay Bohol ku dhex maray ciidamada Galmudug iyo kuwa taabacsan culumada Ahlu Sunna iyagoo ku tilmamay inuu ahaa dagaalkaas weerar gardaro ah oo lagu soo qaaday.
Qoraalka kasoo baxay Ahlu Sunna ayaa lagu sheegay in Ahlu Sunna aysan marnaba diyaar u aheyn daadinta dhiigga Muslimiinta isla markaasna iyaga lagu soo duulay ayna ku qasban yihiin inay is difaacaan
Sidoo kale qoraalkan ayaa waxa ay Ahlu Sunna ku eedeysay Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor iyo Fahad Yaasiin la taliyaha dhinaca ammaanka ee Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Far犀利士 maajo inay qorsheeynayaan dagaal iyo weerar lagu qaado Ahlu Sunna.
Kooxda Ahlu Sunna ayaa ku baaqeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Beesha Caalamka inay ka hor tagaan dagaalka gardarada ah ee ay qorhsheynayaan Fahad Yaasiin iyo Qoor Qoor.