Kooxda Al-Shabaab ayaa markii u horreysay sameysay qirasho lama filaan ah oo la xiriirta dagaalkii dhawaan ka dhacay Awdheegle

<犀利士 p class=”has-vivid-red-color has-text-color has-large-font-size”>12- September-2023

Kooxda Al-Shabaab ayaa markii u horreysay sameysay qirasho lama filaan ah oo la xiriirta dagaalkii dhawaan ka dhacay Awdheegle kadib markii kooxda ay weerar ku qaadeen xerooyinka ciidanka dowladda ku leeyihiin halkaasi.

Kooxda ayaa sheegtay in dagaalkaas looga dilay illaa 7 xubnood oo kamid ahaa dagaal-yahaanadii weerarka ku qaaday xerooyinka Awdheegle ee ciidanka, sida uu warbaahinta afka kooxda ku hadasha u sheegay Cabdisamad Abuu Cabdiraxmaan.

Cabdisamad oo Shabaab ugu magacaaban guddoomiyaha Shabeellaha Hoose ayaa waxa uu qiray in duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha drones-ka Turkiga iyo Mareykanka oo markii dambe kusoo biiray dagaalka Awdheegle, ay sababeen dhimashada xubnaha

Dagaal hadduu dhaco waa lagama maarmaan in naf baxeyso… Markii dharbaaxo culus la gaarsiiyay oo xeryahoodii laga saaray waxaa usoo gurmaday diyaaradahoodii meeshii waxaa (lagu dilay) illaa toddoba ruux,” ayuu yiri Cabdisamad Abuu Cabdiraxmaan

Waxa uu intaas kusii daray “(Ciidanka) saddex xerro ayuu meeshaas kulahaa oo uu deganaa, maanta waa looga aarguday dadkay dhibaateynayeen waana u digniin una dambeyn mayso, xaaladdana waa degan tahay wax culeys ahna ka jiro Ninkaan Al-Shabaab ugu magacaaban S

habeellaha Hoose ayaa sidoo kale waxa uu guullo ka sheegtay dagaalka ay kula jiraan dowladda, xilli muddooyinkii dambe kooxda laga saaray deegaano iyo degmooyin muhiim u ahaa, oo ay awoodi waayeen inay sii difaacdan.asi.

Qirashadan ay sameysay kooxda ayaa noqoneysa mid lama filaan ah, maadaama badanaa kooxda looga baran inay tabiso khasaaraha kasoo gaara dagaalka, iyada oo inta badan guullo aan la xaqiijin ka sheegan jirtay weerarada ay fuliso.

Dhinaca kale, Dowladda federaalka ayaa sheegtay in dagaalkii Awdheegle lagu laayay in ka badan 60 xubnood oo Shabaab ah, “Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa si feejignaan leh waajibkooda u gutay

Leave a Reply