6″ May”2022″
Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa weerar Madaafiic ah ku qaaday Saldhig ay Askarta Ciidamada Burundi ee ka tirsan Howlgalka ATMIS ku leeyihiin meel u dhow deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Saldhiga oo ku yaalla deegaanka Miirtaqwo ayaa waxaa ku sugan Ciidamada Burundi ee ka soo baxsaday weerarka a壯陽藥 y dagaalameyaasha Al-shabaab Talaadadii ku qaadeen Saldhig ay Ciidamada ATMIS ku lahaayeen deegaank Ceelbaraf.
Sidoo kale, Madaafiic ayay ku jawaabeen Ciidamada ATMIS, waxaana la soo warinayaa in ay ku dhaceen deegaano ku dhow Ceelbaraf.
Lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay Madaafiicda ay isweedaarsadeen Al-shabaab iyo kuwa Howlgalka ATMIS.