Kooxda Shabaab oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadashay Khilaafka DFS iyo Xil Ka Qaadistii Kheyre

 Al-Shabaab ayaa markii u horeysay ka hadlay khilaafka dowladda Federaalka Soomaaliya u dhaxeeya ee sababay in xilka laga qaado Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa farriin maqal ah oo uu soo duubay kaga hadlayay Hambalyada Ciidda iyo xaalada guud ee dalka wuxuuna sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Kheyre ay ku kala tageen waxa uu ugu yeeray “La dagaalanka diinta allaah oo ay heshiis ku ahaayeen”.

Cali Dheere ayaa tilmaamay in wax badan ay bulshada u sheegayeen inay dalkooda u daneynayaan, balse maanta uu soo baxay wajigooda dhabta ah iyo nin kasta danihiisa.

La dagaalanka diinta allaah oo ay heshiis ku ahaayeen kama dheefin wax aan is khilaaf iyo kala carar aheyn, wax badan bulshada u sheegayeen dad dalkooda u daneynaya maanta waxay la soo baxeen wajigooda dhabta ahaa, waana la daawanayaa sida midba midka kale u eedeynayo inuu danihiisa gaarka fushanaya, badankood baasaboor shisheeye ayay wataan, nin walba tikidkii uu ku dhoofi lahaa jeebka ayuu ku heystaa si uu dib ugu laabto halkii uu ka yimid”ayuu yiri Cali Dheere

Dhinaca kale Sheekh Cali Dheere ayaa soo hadal qaaday duqeyntii Mareykanka ay maalin ka hor ku dileen carruur degmada Jilib, waxaana uu xusay in Mareykanka u yaqaanaan carruurta ay dilaan saraakiil Al-Shabaab ah

Leave a Reply