Burcad badeed ka soo cusboonaatay xeebaha Puntland, ayaa -af-duubtay Doontii labaad oo ajnabi ah

Hadii Ay Sharcidaro Tahay Shati Biixinta Dani ee Kaluumeeysiga Doonyaha Shisheeye Ma La Yaabi Kartaa Shufto_Badeedka Markale Ka Soo Foocday Putland..?

Maxaa Soo Nooleeyay Soo laabashada Burcadbadeednimada biyaha Somalia ? ” Maamul_goboleedyadu xaq ma u leeyihiin Inay bixiyaan shatiyo kaluumeeysi Iyo Yaa ka msuul ah Kheyraadka dalka ?

Wasaarada qeyraadka iyo kaluumeeysiga dowlada dhexe ee Somalia ayaa wali ka aamusan oo Indhaha ka dadbaneeysa ficiladan iyadoo suurtagal tahay inay sii fido

Falalka Afduubayaasha madax_furasho doonka ah iyo kaluumeesiga sharcidarada ah oo laba todobaad gudihii si weyn looga dareemayo xeebaha maamulgoboleedk soomaaliyeed ee putland ayaa soo xoogeeysanaya kuwaas oo dhowr cisho ka hor weerar la xiriiriyay uu ka dhacay biyaha Yemen

Biloowgii Todobaadkan

Koox hubeysan oo Mareykanku ku tilmaamay inay yihiin ‘Soomaali’ ayaa weeraray markab la la xiriirinayo Israel, oo marayay meel ku dhow xeebaha Soomaaliya.

Weerarkaas oo dhacay axadii ayay hada kasoo baxday faahfaahin dheeraad ah, oo aan horay loo haynin.

Markabka oo ah mid xamuul ah oo la la xiriirinaya Israa’iil ayaa watay calanka Liberia.

Shan nin oo hubeysan oo lagu sheegay burcad badeed ayaa weeraray iyaga oo iskudayaya inay qafaashaan, sida ay sheegeen ciidamada Mareykanka

Maraykanka ayaa markii hore ku eedeeyay afduubkaan inay ka dambeeyaan dagaalyahannada Xuutiyiinta ee dalka Yemen, kuwaas oo xiriir xoogan oo wada shaqeyn la leh Iran. Horey dhowr jeer ayay markab ugu afduubteen falal noocaan ahoo kale.

Ciidamada Badda Mareykanka oo isla markiiba soo gaaray ayaa fashiliyay weerraka lagu doonayay in lagu qabsado markabka oo lagu magacaabo Central Park, sida ay shaacisay dowladda Mareeykanka.

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen shanta nin ee weerarka ku qaadeen markabka, oo ay hadda ku tilmaameen inay yihiin Soomaali. Waxaa la qabtay xilli ay isku dayayeen inay ku baxsadaan doon nooca dheereeya ah, laakiin markabka dagaalka Mareykanka ee Mason oo ku sugnaa meel u dhow halka weerarka uu ka dhacay ayaa qabtay raggaas.

Afhayeenka u hadlay wasaarrada gaashandhiga Mareeykanka ee Pentagon Sareeye Guuto Patrick Ryder ayaa xusay inay wali jirto suurtagalnimada ah in Xuutiyiinta ay kaalin ku lahaayeen iskudayda afduub iyo weerarka lagu qaaday markabka.