Somalia ku dhawaad 600 oo qof ayaa laga heley xanuunka Coronavirus labadii cisho ee la soo dhaafey

March ” 1″ 2021″ MUQDISHO-

Ku dhawaad 600 oo qof ayaa laga heley xanuunka Coronavirus labadii cisho ee la soo dhaafey dalka Soomaaliya, ayada oo ay sii kordhayaan kiisaka cudurka.

Sidoo kale waxaa soo badanaya dadkadadka la dhigayo ama u baahanaya Isbitaalka ee xaaladoodu adag tahay.

Shalay ayay ahayd markii wasaarada caafimaadka somalia ay sheegtay ,Guud ahaan dadka cudurka laga helay 266 ruux oo ku sugan, kadib markii baaritaan lagu sameeyay 1,807 oo ku kala sugan deegaano kala duwan oo dalka Soomaaliya ka mid ah.
Caasimada dalka ayaa tirada ugu badan laga helay iyadoo 141 ruux laga helay.

Putland ayaa  tirada uu soo ritey cudurka waxa ay gaartay 88 ruux muddo toddobaad ah, Somaliland 25 ruux, Koonfurgalbeed 4,Hirshabelle 3 ruux,Jubbaland 3 ruux iyo Galmudug oo 2 ruux laga helay. 8 ruux ayaa u dhimatay 24kii saac ee la soo dhaafay iyadoo 6 ka mid ah ay Muqdisho ku dhinteen halka labada kalana ay ku geeriyoodeen magaalada Beledweyne.

Waxaa si aad ah looga baqayaa in tirada cudurka uu soo ridanayo uu sare u sii kaco iyadoo caasimada dalkana aysan ku filneyn qalabka lagu caawiyo dadka uu soo rito cudurkan.

Leave a Reply