Ku dhawaad 80 qof oo shuban-biyood ku dilay Soomaaliya

19- April-2024″ Ugu yaraan 75 qof ayaa Soomaaliya ugu dhintay cudurka shuban biyoodka tan iyo bishii Jan. ee sanadkan, iyadoo ay sare u kaceen kiisas cusub ee la dhigayo isbitaalada dalka, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dowlada Federaalka.

Waxaa illaa hadda la diiwaangeliyay 7,235 xaaladood oo cusub. Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegg犀利士 a Aadanaha ayaa sheegtay in 64 boqolkiiba ay yihiin bukaanada kuwa daran xaaladoood.

Sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka 51 boqolkiiba, waxay ahaayeen dumar dadka uu soo ritay shuban biyoodka, taasoo muujineysa u nuglaanshaha haweenka ee caabuqa.

Cudurka ayaa inta badan loo aaneynayaa in ay sabab u tahay in dadka aan haysan biyo nadiif ah iyo fayadhowr ku filan.

Daadad ka dhashay El Nino oo dhacay dalka 2023 ayaa si weyn u saameeyay meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah, taasoo keentay in uu sare u kaco kiisaska shuban-biyoodka.

Leave a Reply