19- July-2023- SONNA

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya hawgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Soomaaliya waxa ay hawlgal qorsheysan oo cirka iyo dhulka ah maanta ka fuliyeen degaannada Gal-Libaax iyo Ceel Qurac oo dhaca xadka gobolada Galgaduud iyo Sh/dhexe oo ay isku uruursanayeen Khawaarijta.
Hawlgalkaasi ayaa waxaa lagu dilay ku dhowaad 100 ka tirsan Khawaarijta oo ay ku jiraan horjoogayaal, iyadoo isla markaana hawlgalkaa lagu bur-buriyay goobtii ay dhagarta ku maleegayeen cadowga.
