Kulamada Farmaajo & Roobke ee Qatar Iyo Ethiopia kadib farmajo oo muqdisho dib ugu laabtay

Tuesday ” 5″ October “2021

Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib booqasho labo maalmood qaadatay oo uu magaalada Addis Ababa kaga qayb galay caleemasaarka Xukuumadda Cusub ee Dowladda Itoobiya.

ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa waxaa uu kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo uu ugu hambalyeeyey dib-u-doorashadiisa, sidoo kale.

Waxa uu shir doceedyo la qaatay madaxdii ka qayb gashay Caleemasaarka oo uu ka mid ahaa Madaxweynaha Dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble  oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Doxa ee dalka Qadar ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Qadar Shiikh Khalid Bin Khalifa Al-Thani.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhiggiisa Qatar kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo kordhinta mashaariicda ho犀利士 rumarineed ee Dowladda Qadar ay ka fuliso Soomaaliya.

Farmaajo oo kulan laqaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Farmaajo ayaa magaalada Addis-ababa kulan doceed kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha dib loo doortay ee dalka Itoobiya Mudane Abby Ahmed

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Abby Ahmed ayaa iska xog wareysteen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal oo ay saldhig u tahay daris wanaag, isixtiraam iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab

Leave a Reply