Wednesday ” 10″ November “2021″ Muqdisho
Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa maanta Xalane kula kulmay wafdiga ka socda Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, kuwaasoo maalmahan Muqdisho u joogay qiimeynta howlgalka iyo waajibaadka AMISOM, iyagoo kulamo la qaatay Madaxda Dowladda iyo Qeybaha kale ee bulshada.
Midowga Musharaxiinta iyo wafdiga ka socda Midowga Afrika ayaa ka wada hadlay arrimaha howlgalka AMISOM, doorka Midowga Afrika ka qaadanayaan Nabadda Soomaaliya iyo arrimaha Amniga Soomaaliya
Wafdigaan ayaa hore ula kulmay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada federalka Soomaaliya