Kulan Laga Yeeshay Amniga Gobolka Bari

Kulanka Todobaadlaha ahaa ee Amniga Gobalka Bari ayaa Maanta lagu qabtay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland, kaasi oo ka qeyb galeen Guddoomiyeyaasha Dagmooyinka Gobalkaas iyo dhammaan Saraakiisha Ciidamada.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Gobalka Bari Cabdisamad abwaan, waxaana looga hadlay xaaladda amniga ee Gobolka iyo sidii loo dardar-gelin lahaa guud ahaan shaqooyinka sugida amniga ee socda.

Kulanka ayaa waxaa laga soo saaray qodobo dhowr ah oo ay isla garteen Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Saraakiisha kala duwan ee Gobolka Bari.

Mid kamid ah Madaxdii ka qeyb galay kulanka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in  Madaxda iyo Saraakiisha ay Go’aan ku gaareen xoojinta sugida amniga guud ahaan Gobolka Bari, la-dagaalanka wax loogu yeero Argagixisada, la-dagaalanka falalka kufsiga, maandooriyaha iyo kahor tega falalka ami darrada ah ee xiliyada qaar dhaca.

Ugu dambeyn Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Saraakiisha Ciidamada ugu baaqay inay shacabka ula shaqeeyan si cadaalad ah, halka dhanka shacabka uu ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga Gobolka

Leave a Reply