Kulan Looga Hadlay Xaaladda Gurmadka Abaaraha oo Ka Dhacay Muqdisho

28″ May”2022″Muqdisho”

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa arrimo shaqo oo la xariira xaaladda Gurmadka Abaaraha ee dalka ku tagay w壯陽藥 asaarada Qorsheynta Qaranka ee Xukuumadda xilgaarsiinta.

Kulankaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka wasaarada Qorshayhta Qaran Amb. Jamaal iyo dhammaan howlwadeenada Wasaarada ayaa looga hadlay abaaraha iyo xaaladdaha bani-aadannimo ee uu dalka waajahayo iyo sidii looga hortegi lahaa inta aysan isku baddelin macluul.

Ergeyga gaarka ah arrimaha Gurmadka Abaaraha iyo Hoggaanka Wasaaradda ayaa waxa ay is barbar dhigeen qoraallo, iyaga oo sidoo kale ka doodday dhowr mowduuc oo la xariira arrimaha xalka waara iyo ka qaybgalka deeq-bixiyayaasha.

Ugu danbeyn, Ergayga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaaraha ayaa ka qaatay Wasiirka wasaarada Qorshaynta Qaran iyo dhammaan howlwadeenada istaraatiijooyin jiray oo ay ku jiraan DINA, RRF iyo Istaraatiijiyada xalka waara oo in muddo ah ay wasaaraddu soo waday.

Leave a Reply