10- October-2023″
Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo maanta warbixin cusub soo saaray ayaa shaaciyay magacyada 18 mas’uuliyiin oo hore oo ay ku maqan yihiin gaadiid dowladeed oo ay leeyihiin hay’ado kala duwan oo ka tirsan dowladda federaalka ah.
Hantidhowrka ayaa warbixintiisa kusoo bandhigay noocyada gaadiidka ee ku maqan gacanta shaqsiyaadkaasi iyo sidoo kale hay’adaha leh oo ay kamid yihiin xafiiska ra’iisul wasaaraha, wasaarado, hay’adda maareynta iyo guddiga madaxa banaan ee doorashada.
Xafiisku Hantidhowrku waxa uu sheegay in arrintaan uu ku ogaaday baaris qoto dheer oo uu sameeyay, taas oo lagu hubiyey hantida ka maqan dowladda, gaar ahaan gaadiidka.
“Baaris iyo hubin uu xafiiska Hantidhowrka sameeyay ayuu ku ogaaday inay jiraan gaadiid ku maqan gacanta mas’uuliyiinta ku xusan lifaaqa jaantuska hoose. Dhammaan gaadiidkaas waxaa hanti dowladeed oo ay tahay in dib loogu soo celiyo gacanta hay’adihii asal ahaanta u lahaa milkiyadooda” ayaa lagu yiri warbixinta Hantidhowrka Guud.
Waxaa kale oo uu Hantidhowrku muddo 15 cisho ah u qabtay mas’uuliyiinta magacyadooda la shaaciyay inay ku maqan yihiin gaadiidkaas, si ay ugu soo celiyaan dowladda dhexe.
“Haddaba Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS wuxuu idin ku wargelinayaa in dhammaan gaadiidka ku jira gacantiina aad dib ugu celisaan hay’adaha dowladeed ee asalka u leh muddo 15 cisho gudahood oo ka bilaabaneysa 10 Oktoobar, 2023, kuna eeg 25 Oktoobar, 2023, muddadaas kadib xafiiska Hantidhowrku wuxuu qaadayaa tallaabada xigta ee sharciga ah” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiska Guutaale.
Sidoo kale Hantidhowrka ayaa faray hay’adaha dowladda marka lagu soo celiyo gaadiidkaas ay ku diiwaangeliyaan magaca hay’adda, kadibna ay cadeynta lasoo wadaagaan xafiiskiisa.
Ugu dambeyn waxaa qoraalka agu yiri “Waxa aan rajeyneynaa in aad si xilkasnimo leh u dhowrtaan muddada dib u celinta gaadiidka”.