Kulan nabadeed oo lagu soo gabagabeeyey Gaalkacyo

Waxaa magaalada Gaalkacyo maanta lagu soo gabagabeeyay shir nabadeed oo maalmahanba magaalada uga socdey maamullada Galmudug iyo Puntland

Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa heerarka kala duwan ee hay’adaha labadaas maamul oo daris, ayada oo diiradda lagu saaray iskaashiga dhanka amniga, nabadeynta iyo is-dhexgalka bulshada.

Sidoo kale waxaa shirkan saacadaha uu socday looga hadlay heshiisyadii ay horay u gaareen labada maamul, gaar ahaan guulaha laga gaaray iyo caqabadaha jira ee u baahan in haatan xal loo helo.

Intaasi kadib Puntland iyo Galmudug ayaa ku heshiisyay 4 qodob oo xasaasi ah, kuwaas oo kala ah:-

1-Xoojinra iskaashiga amniga, nabadeynta, ganacsiga, dhaqaalaha iyo isdhexgalka bulshada ee Puntland iyo Galmudug.

2-Qabashada kulamo heer wasiiro ah oo saddex bildoodle ah, si loo xaqiijinayo mirodhalka dadaalladii socday.

3-In mashaariic horumarineed laga hirgeliyo deegaanadii ay colaaduhu saameeyeen, si ay bulshada usoo kabato.

4-In labada dowladood ay si wadajir ah ay daraasad mideysan uga sameeyaan maareynta biyo-saarista degmada Gaalkacyo.