Kulan saddex geesood ah ayaa maanta uga furmay magaalada Adisababa madaxda dalalka Ethiopia, Somalia iyo Talyaaniga

15″ April “2023” Adisababa”

Kulankii saddex geesoodka ahaa ee maanta aan la yeelanay RW AbiyAhmedAli & PM GiorgiaMeloni, waxaan ka wada hadalnay arrimo muhiim ah oo khuseeya amniga, ganacsiga, kobaca dhaqaalaha & fursadaha maalgashiga. Wax-is-weydaarsigayagii waxa uu ku sifoobay niyad iskaashi & dadaal wadajir ah oo danta muwaadiniinteena sidaas waxaa yiri madaxweyne Xasan shiiq maxamuud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxda Shirka guulaha miro-dhalka ah ay sida wadajirka ah u gaareen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan ka xoreynta dalkeenna argagixisada, isaga oo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay xaqiijinta Soomaaliya xor ka ah khawaarijta Al Shabaab, hurmuudna u noqota horumarka iyo xasilloonida Gobolka.

Dhankooda, Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiye Axmed ayaa bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray wajiga koowaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, iyagoo xusay ahmiyadda ay u lee犀利士 dahay in dalalka Gobolka iska kaashadaan ciribtirka argagixisada, gaar ahaan Waddamada safka hore ee dariska la ah Soomaaliya.