Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada qaranka ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee dowladda Shiinaha wakiilka uga ah Geeska Afrika, Xue Bing oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkeenna.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Xue Bing ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada waddan ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, diblomaasiyadda, ganacsiga iyo waxbrashada si loo kobciyo danaha ay wadaagan Soomaaliya iyo Shiinaha.
Madaxweynaha ayaa danjiraha la wadaagay horumarada uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha maalgashi ee ka bannaan, taas oo ay wadaagi
Sidoo kale wuxuu xusay in Soomaaliya waqtigan u diyaarsan tahay la fal-galidda caqabadaha iyo fursadaha isku sidkan ee ka imaan kara heer gobol iyo kuwa caalamiga ah.
Dhankiisa, Danjire Xue Bing ayaa uga mahad-celiyey madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta wanaagsan ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa.
Waxa uuna bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay dowladda federaalka ee amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo xaqiijinta nabadda iyo horumarka Geeska Afrika, taas oo ku saleysan daris wanaag, is-ixtiraam iyo nabad ku wada noolaanshaha dalalka gobolka.
Shiinaha ayaa kamid ah dowladaha waaweyn ee taageerada xooggan siiya dowladda federaalka, wuxuuna ka caawiya dhinacyo dhowr ah sida caafimaadka, waxbarashada iyo arrimaha bani’aadanimada ee ka jira dalka.