Waxaa magaalada Gaalkacyo kulamo ku yeeshay madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor xilli deegaano ka mida gobolka Mudug ay dagaalo ku dhexmarayeen beelo halkaasi wada daga.
Gobolka Mudug oo ay labada maamulba ka ka arrimayaan ayaa colaadaha beeluhu ku soo noq noqdaan waxayna galaafteen nolosha dad badan. Dadka qaar ayaa muujiya in maamuladu sidii la rabay aysan u wajihin si loo dhammeeyo colaadaha.
Qoraal kulanka labada madaxweyne ka dib ay wadajir u soo saareen maamuladu ayey ku sheegeen inay iska kaashanayan dhinacyada ammaanka si looga hortago dirirta beelaha ee ka dhacda gobolka.
Galbeedka iyo Bariga gobolka Mudug waxaa sanadkaan ka dhacay dagaal beeleedyo dad badani ku dhinteen. Labada maamul ayaa odoyaasha dhaqanka ka dalbaday in kiisaskii hore lagu gunanaado muddo 120 cisho ah.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay in la tayeeyo lana dardergaliyo howlgaladii dhanka ammaanka ee ay ee ay wadeen ciidamadooda isku dhafka ah gobolka Mudug
Maxay arrintan ka beddeli kartaa xaaladda?
Shirarka maamulada Puntland iyo Galmudug kuma cusba gobolka waxayna soo taxnayaaneen muddo dheer, waxaana markasta laga soo saari jiray qodobo quseeya amniga iyo isdhexgalka bulshada, basle sida uu qabo Maxamed Sheekh Siciid oo guddoomiye ka ah madasha nabada iyo horumarinta oo ka kooban dhalinyaro ka soo kala jeeda laba dhinac waxay jeexi karaan dariiq laga ambaqaado halka hadda la joogo.
Maxamed, wuxuu BBC-da u sheegay in qodobada la soo saaray ay yihiin kuwii loo baahnaa hase yeeshee ay mudan tahay in ficil loo beddelo si xaaladda hada taagan ay wax uga taraan.
Wuxuu intaa ku daray inay haboonayd inay madaxdu tagaan miyiga wax ka dhacayaan basle wuxuu ammaanay dadaalada la sameeyey.
‘‘In madaxweynayaashu tagaan oo loo tago oo la wadahadaal siiyo dadka deegaanada ku diriraya, geedaha hoostooda loo waabto la isku keeno dadka miyiga jooga, nabadda qayb weyn inay ka qaadan karto” in uu aaminsan yahay ayuu sheegay Maxamed.
Sida ku cad qoraalka wadajirka ah ee labada maamul waxay ka wada shaqaynayaan sidii laamaha cadaalada labada dhinac iskaashi ugu yeelan lahaayeen dhacdooyinka ka dhaca labada dhinac.
Nabadoon Cabdicasiis Xaarin oo ka mida dhaqanka Mudug, wuxuu BBC-da u sheegay in dadka ay ka go’antahay in nabadda laga wada shaqeeyo basle ay u baahan tahay in maamuladu xoojiyaan in la dhaqan galiyo wixii lagu heshiiyo.
‘‘Meesha wax ka liitaan waa fulinta, in wax la fuliyo ayay arintu arinta ka liidataa oo waayadanba ka liigaysaa. Dadku aqlabiyad nabadu waa raba , marka fulin dhaba oo ay u dhan yihiin waa inay soo baxdaa.”ayuu yiri Nabadoon Xaarin.
Isku dhafka ciidamada xasilinta
Sida ay BBC-da u sheegeen nabadoon Cabdicasiis Xaarin iyo Maxamed Sheekh, ciidamada xasilinta ee wadajir uga howlgalyey magaalada Gaalkacyo ayaa horseeday qorshayaal amni oo ka sameeyay magaalada.
Ciidamada xasilinta ayaa ka koobnaa labada mamaul ee Puntland, Galmudug iyo ciidamado ka tirsan kuwada dowlada federalka, kuwaas oo la isku daray sanadkii 2017-kii si ay qayb uga qaataan sugida ammaanka magaalada iyo gobolkaba.
Asaaskii ciidamadaas, waxaa hormuud u ahaa Taliyihii Ciidanka Xoogga dalka ee xilligaas Jen. C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) , wuxuu BBC-da u sheegay in uu aaminsan yaahay in ciidamadaasi ay wax badan ka beddeleen ammaanka.
‘‘Arrintaas wax weyn bay ka qabatay gobolka, waa lagu nafisay, dagaalo iyo colaado jiray ay kala dhexgalen inay amniga xasiliyaan inay u diidaan magaalada in qof qori wataa inuu socdo inay u diidaan wax isdila markii danbana ilaa miyiga ayey gaaree”ayuu yiri Jeneral Gorod.
Wuxuu sheegay in ciidamadaas ay ku bilaabeen boqol ilaa boqol iyo kontan basle uu doonayey inay gaarsiiyan ilaa kun askari oo colaaddaha miyha ku baxa oo kala dhexgala.
Balse ciidamada ayaan gaarin deegaanada miyiga ah ee ay beelahuhu isku laayaan.
Maxay u fuli waayaan waxa lagu heshiiyo?
Caaqil Dhiin Sheekh Cabdi, wuxuu ka mid yahay odoyaasha dhaqanka ee gobolka Mudug, wuxuu BBC-da u sheegay inay muhim tahay in la helo awood ciidan oo dhaqan galisa waxaa lagu heshiiyo.
“Waxay u dhaqan gali waayeen, oo sababay waxay tahay qofka dambiilaha ah wuxuu leeyahay qabiil, waxaa isku aadinaya qabiil, awooda ciidamada isku-dhafka ee loogu talagalay inay qabtaan qofkaas awoodii ay ku fulin lahayeen ma laha” ayuu yiri Dhiin.
Wuxuu intaa ku daray in haddii awood wax ma quunisa la helo ay nabadu xoogaysanayo.
“Nabada Hadii la abuuro oo laga shaqeeyo, waa in la helaa cid ilaalisa oo cidii nabadaas jabisa wax ka qabata, madaxweynayaasha maamul goboleedyada inay ciidan xoojiyaan oo isku daraan oo la isugu daro in meelaha xasaradu ka jiraana ay wax ka qabtaan”ayuu BBC-da u sheegay Jeneral Gorod.