Kulanka RW Rooble iyo ku-xigeenka Xoghayaha guud ee QM oo madaxda maamul goboleedyada ay kaga qaybgaleen Aalada fogaan,araga.

Sunday ” 12″ September “2021 Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday QM oo ay hoggaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee QM Amina Jane Momamed.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlayay犀利士 maanta kulanka Gollaha Wadatashiga Qaran iyo Ku Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxa uu ku soo hadal qaaday xiisada siyaasadeed ee ka jirta dalka Soomaaliya

Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka sheegay kulankan inuu ka xunyahay in xaalad siyaasadeed ay ka dhalato dalka xilli lagu jiro arrimaha doorashooyinka;

“Waxa aan aad uga xumahay xaaladaha siyaasadeed ee maalmahan dalka ka jiray xilli uu dalku ku jiro doorashooyin. Waxaan xaqiijin doonnaa inaan dadaal ku bixinno ka hortagga iyo maareynta xiisadda si xilkasnimo iyo miyir leh.”ayuu yiri Rooble.

Khudbadiisa ayuu rajo uga muujiyay in xiisada jirta lagu xalin doono si nabad ah.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin horumarrada ka jira Soomaaliya, arrimaha doorashooyinka, amniga, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada.

Waxaan ku hawlanaa dhammaan in aan la tashiyo la sameeyo dadka ay khusayso in arrimaha lagu xaliyo wada hadal iyo si waafaqsan kala qaybsanaanta awoodaha Dastuuriga.”
Isagoo ka hadlayay arrimaha doorashooyinka ayuu sheegay Ra’isul Wasaaraha in ahmiyadiisa ugu muhiimsan ay tahay doorashooyinka dadka Soomaaliyeedna uu u xaqiijinayo in aanu marnaba ka weecan diirad saaridda doorashooyinka.

“Waxaa iga go’an inaan sii wado dadaalkan waxaanan ku kalsoonahay in iyadoo la kaashanayo Madaxweynayaasha saaxiibadeey ee Dowlad Goboleedyada in aan gacan kawada geysanno dadaalka dhexdhexaadinta, waxaan inshallah heli doonnaa xal nabadeed oo ku aaddan xaaladdan laga xumaado.”ayuu yiri ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Roble ayaa kulankan ka sheegay arrinta ku saabsan Ikraan Tahliil isagoo ugaga mahadceliyay Qaramada Midoobay mowqifka ay ka istaagtay kiiskan.

“Kiiska Ikraan Tahaliil Faarax ee aad maqasheen waxa uu noqday arin qaran oo dadka Soomaaliyeed oo dhan taabatay, mawqifkayga mabda’iyan waxa uu yahay in kiiska Ikraan uu helo baaritaan lagu kalsoon yahay oo madax bannaan iyo in dhammaan caqabadaha hortaagan in caddaalad loo helo Ikran iyo qoyskeeda meesha laga saaraa, sidaa awgeed waxaan uga mahadcelinayaa Qaramada Midoobay iyo xubnaha Beesha Caalamka mowqifka ay qaateen oo ah in kiiska Ikraan lagu sameeyo baaritaan dhameystiran”

Waxaa uu Ra’isul Wasaaruhu carrabka ku adkeeyay in kiiska ikraan aan la siyaasadeyn ee kaliya loo arko xaq uu leeyahay muwaadin Soomaaliyeed oo ay tahay in isku aragti laga ahaado.

Kulamadan ayaa kusoo aadaya , iyadoo uu jiro khilaafka xoogeystay ee u dhaxeeya MW Farmaajo iyo RW Rooble.

Leave a Reply