Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Goordhow ka furmay kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, kaasi oo looga hadlayo laba Ajende.
Kulanka oo ah midkii 20-aad Kalfadhiga 7aad ee Golaha ayaa waxaa shir Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenadiisa Kowoaad iyo labaad ee C/weli Muudey iyo Mahad Cawad.
Ajendaha Kulanka ayaa kala ah.

Akhrinta koowaad Hindise-sharciyeedka dib u eegista sharciga la-dagaalanka Burcad-Badeedka iyo ka hortaga af duubka ee Sharciga LR. 36 April 1975.
2-Akhrinta 2aad ee dib u eegista Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee 2020.
Golaha wasiirrada Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre ayaa 31-kii octobar ee sanadkii tagay ee 2019 kii cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2020 oo dhan $469.5 Milyan.