Kulankii wadatashiga Masuuliyiinta dowlada iyo madaxdii hore ee dalka oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

13- July-2023- Muqdisho,

Kulanka wadatashiga Somalia ee dowlada Fadaraalka iyo Madaxdii hore ee dalka oo muqdisho lagu soo gabagabeeyay ayaa bogaadiyay dagaalka ka dhanka ah argagixisada shabaab iyo guulaha laga gaaray

Masuuliyiinta dowlada fadaraalka iyo Madaxdii hore ee dalka ayaa Kulankooda oo laba cisho socday waxaa lagu gorfeeyay arimo taabanaya masiirka Somalia ooy ku jirto jiheyta hanaanka dowlad dhiska ,Mideynta mudo xileedyada hayadaha fadraalka

1. Nuuca doorashada ee dalka

2  Nidaamka Madaxtinimada ee dalka

3. Nidaamka xisbiyada badan

4. Guddiga doorashada Qaranka

5. Mideynta muddo xileedka Hay’adaha Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada

6. Habraaca dhameystirka iyo dib u eegista Dastuurka KMG ah

Kulanka waxaa lagu bogaadiyey Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya dadaallada dalka looga ciribtirayo khawaarijta iyo guulaha laga gaaray, waxaana lagu baaqay in loo midoobo la dagaallanka argagixisada nuuc waliba oo ay tahay.

Kulanka waxaa kaloo lagu bogaadiyey dadaallada dowladda ee deyn cafinta iyo dhameystirka hannaanka dowlad dhiska Soomaaliya iyo in ciidamada Qaranka ay si buuxdo ula wareegaan amniga

Kulanka waxa uu bogaadiyey doodaha dhameystirka dowlad dhiska Soomaaliya ee soo socday, waxaana uu dareen ka muujiyey ka maqnaanshiyaha Puntland ee Wadatashiga arrimaha masiiriga, waxaana lagu baaqay in ay muhiimtahay ka qeybgalka.

Shirka galabta lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ayaa noqon doonin kii ugu dambeeyay oo looga tashado arrimaha masiiriga ah ee dalka, waxaana jiri doona kulamo kale oo nuucaani oo kale ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tallaabo hore loo qaaday ku tilmaamay War-murtiyeedka Shirka Wadatashiga ee u dhexeeyey  Madaxda Qaranka iyo Madaxdii hore ee Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa  sheegay in Xukuumadda Dan-Qaran ay soo dhoweyneyso talooyinka wax-ku-oolka ah ee shirka iyo guud ahaan kuwa ka imaanaya dadka Soomaaliyeed, si loogu biiriyo hiigsiga Xukuumadda ee ku addan amniga guud ee dalka, doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka iyo ciribtirka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

“Waxaan maanta isugu yimid maalintii 2-aad ee doodaha aan kaga hadlayno arrimaha ugu waaweyn ee quseeya qarankeena, #Soomaaliya waxaan la yeelanay madaxdii hore ee siyaasadda iyo jilayaasha dalkeena, Tani waxay qayb ka tahay la shaqaynta aynu la yeelanayno jileyaal siyaasadeed oo kala duwan si aynu mustaqbal wanaagsan ugu samayno dadkeena iyo dalkeena hooyo ee aynu jecelnahay ayuu ku yiri Madaxweyne Xasan shiikh qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter ka