Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
9″ February “2023” News Agencies
Kumanaan kun oo qof oo adduunka ka soo kala hadlay ayaa ku deeqaya in ay korsadaan Aya, oo ah gabar ku dhalatay burburka dhulgariirka hoostiisa Dheeho.com
Sawirka ilmo dhawaan dhashay oo laga soo saaray burburka dhisme ku dumay waqooyi-galbeed ee Suuriya ayaa dad badan kiciyay.
Kumanaan qof ayaa u yaboohay inay korsadaan gabadhan yar ee ku hoos dhalatay burburka dhismo ku dumay waqooyiga galbeed ee Suuriya, ka dib dhulgariirkii Isniintii.
Markii la soo badbaadiyay, Aaya – oo macnaheedu yahay mucjiso Af,Carabiga- ayaa wali ku xirnayd xuddunta hooyadeed
Hooyadeed, aabbaheed iyo dhammaan afar walaalaheed ah oo aysan ifka isku arkin ayaa dhintay ka dib markii dhulgariirku ku dhuftay magaalada Jindayris.
Muuqaalo muujinaya badbaadinta Aya ayaa ku baahay baraha bulshada-Muuqaaladaas oo la soo bandhigay ayaa muujinaya nin ka soo ordaaya burburka dhismo dumay, isagoo haya ilmo yar oo boor qariyay..
“Waxay timid isniintii iyadoo xaalad xun ku jirta, nabarro, qabow iyo neefsashada oo ku yar,” ayay tiri Hani Marouf, oo ah dhakhtarka carruurta ee ilaalinaya iyada
Nin Qaraabo fog la, ah baa meesha joogay markii laga soo jiiday burburka oo loo geeyey dhakhtarka carruurta ee magaalada Afrin. Waxay weli ku jirtaa cusbitaal iyadoo xaaladdeedu ay deggan tahay –
Kumanaan qof oo ku jira baraha bulshada ayaa hadda waydiistay faahfaahin si ay u korsadaan.
“Waxaan jeclaan lahaa inaan korsado oo aan siiyo nolol wanaagsan,” ayuu yiri hal qof, Mid ka mid ah TV-yada Kuwaiti ayaa yiri, “Diyaar ayaan u ahay inaan xanaaneeyo oo aan korsado ubadkan…hadii nidaamka sharcigu ii ogolaado
Maamulaha cisbitaalka, Khalid Attiah, ayaa sheegay in uu helay daraasiin wicitaano ah oo ka yimid dhammaan dadka adduunka oo dhan doonaya inay korsadaan Aya.
Dr Attiah, oo haysta gabadh afar bilood oo keliya ka weyn, ayaa tidhi, “Ma oggolaan doono in qofna hadda korsado, ilaa qoyskeedii fogaa soo noqonayaan, waxaan ula dhaqmayaa sidii mid aniga oo kale ah-Hadda, naagtiisu waxay naas nuujinaysaa iyada iyo gabadhooda.
Magaalada ay ka soo jeedo Aya” ee Jindayris, ayaa dadku wali waxay ka baarayaan 4 maalmood kadib dhismayaasha dumay bal inay arkaan dad ay jecel yihiin oo nool.
Samatabbixiyeyaal ka socda ururka Koofiyadaha Cad, oo dhamaantood aad u yaqaana in dadka laga soo saaro burburka muddo toban sano ka badan intii lagu jiray dagaalka sokeeye ee Suuriya, ayaa gacan ka geysanayay Jindayris. ”
Samatabbixiyeyaashu waxay sidoo kale ku dambayn karaan inay noqdaan dhibanayaal sababtoo ah sida dhismuhu u deggan yahay,” ayuu yidhi Mohammed al-Kamel.
“Saddex mayd ayaan ka soo saarnay burburkan, waxaanan u malaynaynaa inay jiraan qoys weli nool – waanu sii wadi doonnaa shaqada,” ayuu yidhi. Suuriya, in ka badan 3,000 oo dhimasho ah ayaa laga soo sheegay dhulgariirkii ka dib Tiradan kuma jiraan kuwa ku dhintay meelaha ay mucaaradku haystaan ee dalka.