壯陽藥 m-size” style=”font-size:33px”>6″ April”2022″
War saxaadadeed kasoo baxay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa lagu gaaray go,aan kama dambeys ah oo ay ka qaateen kuraas la hakiyay oo doorashadooda lagu kala qabtay Beledweyne iyo Baydhabo oo xarumo u kala ah Maamul Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.
Guddiga FEIT ayaa go,aamiyey in in dib loogu noqdo doorashada dhammaan kuraastan, si loo saxo habraacii qaldamay. Iyadoo la tixraacayo habraacii doorashadii 2016-kii.
Sidoo kale, Guddiga ayaa sheegag inay dib kasoo sheegi doonaan qabashada doorashada kuraastan, goorta iyo goobta lagu qaban doono.
Kuraasta Guddiga FEIT ay shaaciyeen ee dib loogu laabanayo doorashadooda waxaa kusoo kala baxay:
1- Xildhibaanad Sareeda Maxamed Cabdalla oo markale ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#154, iyada ayaana hore ugu fadhisay doorashada kursigaasi Baarlamaankii 10-aad.
2- Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Isaag Cali Subag oo kusoo baxay doorashada kursigaan HOP#204, balse waxaa hore ugu fadhiyay Macalin Cali Aadan.